Madaxweynaha Masar oo shaaciyay in aanu xilka ka degeyn ,balse Doorashooyin qabanayo
Qahira July 03,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Masar ayaa khudbad uu xalay jeediyay waxa uu uga hadlay mudaharaadyada looga soo horjeedo iyo Ciidamada dalkaasi oo ku goodiyay in ay xilka ka tuurayaan hadaanu la hadal mucaaridka ama aanu iskii xilka uga degin.
Madaxweynaha Masar Maxamed Morsi ayaa khudbadiisa waxa uu ku sheegay in aanu xilka ka degeyn balse uu qaban doono doorashooyin lixda bilood ee inagu soo aadan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mudo sadex sanadood ah ay uga hadhsan tahay mudadii xilka si xor ah loogu doortay.
Boqolaal kun oo isu soo baxay beerta Taxriir ayaa maalmo haatan ku qeylayay in Morsi xilka uga tago si deg deg ah.
Magaalooyinka dalkaana waxa la sheegay in ay ka dheceen iska hor imaadyo dad badani ku dhinteen oo u dhexeeya Taageerayaasha Maxamed Morsi iyo Mucaaridka dalbanaya in uu xilka ka dego.
Ma cada waxa maanta ay sameyn doonaan ciidamada dalkaasi ee sheegay in hadaan heshiis la gaarin ay laalayaan Dastuurka dalkaasi,madaxweynahana xilka ka tuurayaan.
Waxa sidoo kale cadeyn in dalkaasi qalalaase geli doono hadii ciidamadu xilka ka tuuraan madaxweynaha iyo in kale.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com