|

Ciidamada Kiinya oo Duqeeyay Xeryo Ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin Duleedka Kismaayo

Behane July 03,2013(SDN)-Ciidamada cirka ee dalka Kiinya aya la sheegay in ay weerareen fadhiisimo ciidamada Dawlada oomaaliya ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo oo dhawaan dagaalo ka dheceen.

Col Abshir Cabdi Xaashi oo ku sugnaa xeryahan la duqeeyay ayaa saxaafda u xaqiijiyay weerarkan ay ciidamada Kiinya ku qaadeen ciidamada dawlada.

Col Abshir ayaa sheegay in ciidamada Kiinya si toos ah u bartilmaansadeen Xarumaha ciidamada isla markaana ay burburiyeen gebi ahaanba xeryahaasi.

Sarkaalku waxa uu intaa raaciyay in duqeyntu sababtay dhimasho iyo dhaawac saameeyay ciidamada iyo rayidka ku nool degaankaas.

Sarlaaka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Kiinya ay ku soo duuleen Soomaaliya iyo Jubooyinka isla markaana ay Shabaabka mar marsiyo ka dhiganayaan.

Ciidamada Kiinya ayaa dawlada Soomaaliya ku eedeysay in ay la safatay mid ka mid ah garabyadii ku dagaalamay magaalada Kismaayo.

Dawlada Soomalaiya ayaa dalbatay in ciidamada Kiinya ee Jubbooyinka Jooga lagu bedelo qaar dhexdhexaad ah.

SDN-Berhane
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed