Wasiirkii Hore ee Hawlaha Guud Md,Xaabsade oo Tilmaamay Duruufaha Deriska la ah Wasaarada Hawlaha Guud {DHAGAYSO}
Hargaysa 02.July (SDN) Wasiirkii Hore ee Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane Axmed Cabdi Xaabsade isla markaana loo Magacaabay La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka ayaa Maanta si faahfaahsan u sharaxay qaab dhismeedka wasaaradda hawlaha guud oo uu ku tilmaamay inay ka kooban tahay Todoba waaxood iyo labo hay’adood oo kala ah hay’adaha Korontoda ee caasimadda iyo ta magaalada Berbera, isla markaana ay wasaaradani tahay mid ka wada balaadhan hay’adaha kale sidoo kalena ka dhibaato badan maadaama ay wasaaraddu mas’uul ka tahay Dhulka dawladda.
Wasiirka ayaa Hadalkan ka Sheegay Mar uu Maanta Xilkii Wasaaradaasi ku Wareejinayay Wasiirka Cusub ee loo soo Magacaabay Md.C.risaaq Khaliif Axmed .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Xabsade02(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com