|

Nuxurka Afar Qodob oo aan Shishlayn oo ka soo Baxay Shirweynihii Qaran ee Shaqo Abuurista Somaliland

Hargaysa 02.July (SDN) Shirweynihii lagaga hadlayey shaqo la,aanta dhalinayarada ayaa Maanta lagu soo gabageyey magaalada hargeysa .

Shirweynahan oo Mudo Laba Cisho ah ka socday Huteel Maansoor ee Magaalada Hargaysa waxaa ka soo baxay afar qodob oo taabanaya Sidii dhalinyarada Somaliland loogu abuuri lahaa Shaqooyin,kaas oo ay Si wada Jir ah isaga kaashadeen Wasaarada qorshaynta Qaranka,Arrimaha Bulshada iyo Hay’ada Ilo.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo ka hadlay Madashii Xidhitaanka Kulankan heerka qaran ayaa tilmaamay sida ay uga Go’an tahay Xukuumada inay shaqo abuur u samayso dhalinyarada Somaliland waxaa kale oo uu Xusay Wasiirku in dhalinyarada looga baahan yahay inay aaminaan dalkooda hooyo isla markaana ay la yimaadaan dadaal.

Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamud Axmed Bare Garaad ayaa Madashii kulankaasi ka soo Jeediyay Qodobo ka soo baxay Shirkan labada Cisho Socday ee lagaga hadlayay Sidii Fursado Shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada dalkeena .

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa halkaasi ka akhriyay Afarta Qodob ee Ka soo Baxay Shirweynahan kuwaas oo kala ahaa .

1.In adkaynta Qadiyada Shaqo abuurku tahay arrin Qaran,oo Mudan in Si Wada Jir ah loo Waajaho .

2.In loo baahan yahay Wax qabad Qorshaysan oo Deg deg ah,Kuwaas oo Wax ka Tari kara Mushkilada Shaqo la’aanta.

3.In Xukuumadu ka Ciyaarto door Hormood ah oo firfircoon Si loo Hirgaliyo Qodobada Shirkan ka Soo baxay.

4.In Lagu Saleeyo Guud ahaan Waxqabadka Qaran,Sidii loo Kordhin lahaa loona dardar gelin lahaa Dhaqaalaha Dalka .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed