|

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somalia oo ugu baaqay Hogaamiyayaasha Al Shabaab inay Isa Soo Dhiibaan

Muqdisho 2.July (SDN) Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka waramay guusha laga gaaray howlaha amaanka maamlahii aynu soo dhaafnay ee todobaadkii xoriyadda

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo si gaar ah ugu warramaya Warbaahinta Qaranka ayaa ku amaanay dhamaan ciidamada qalabka sida dadaalki ay muujiyeen maalmahii la soo dhaafay isagoo ku booriyay in ay sii laba laabaan dadaalkooda

Dhinaca kale wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka hadlay arrinta Sheekh Xasan Daahir Aweys, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku heyso xaaladdiisuna ay aad u wanaagsan tahay, waxa uu wasiirka xusay in dowladdu ay aad uga xuntahay dhacdo ay Garoonka kula kulmeen odayaashii la socday Xasan Daahir, isla markaana ay ka tacsiyeynayaan.

Ugu dambeyntii wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhammaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab in ay dowladda Soomaaliyeed isu soo dhibaan, lana soo dhaweynayo.

Tan iyo markii Muqdisho la soo gaarsiiyey Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa soo baxay hadallo ay isla dhexmarayeen dhinacyo kala duwan, hasa yeeshee arrintasi ayaa meesha ka baxday, maadaama wasiira Arrimaha Gudaha uu shaaciyey in go’aanka Xasan Daahir Aweys ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed