Ciidamada Masar oo sheegay in ay Farogelin Siyaasadeed Sameynayaan Hadii Xukuumadu la fariisan Mucaaridka
Qahira July 02,2013(SDN)-Ciidamada Masar ayaa madaxweynaha dalkaas Maxamed Morsi siiyay 48 sacadood in uu kula kulmo mucaaridka dalbanaya in uu xilka ka dego.
Ciidamda ayaa sheegay hadii taa aaney dhicin in ay dalka ku soo rogi doonaan nidaam ay dalka ku hagayaan.
Masar ayaa sanadii 2011kii ciidamadu ay talada dalkaasi la wareegeen kolkii mucaaridkii Xusni Mubaarik mudo dheer dalkaasi ka wadeen isu soo baxyoay ku dalbanayaan in uu xilka ka tago.
Dalabka ciidamada qalabka sida ee Masar oo laga akhriyay TVga qarnka ee dalkaasi ayaa aad uga farxiyay kumanaan dibed baxayaal ah oo ku suganaa wadooyinka magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.
Taageerayaasha Xisbiga talada haya ayaa hore ugu baaqay in ay dhiigooda ku difaacyaan hadii xukuumada la doortay la isku dayo in la afgenbiyo.
Xaalada dalkaasi ayaa haatan la saadalin kareyn halka ay sal dhigan doonto maalmaha in aadan.
SDN-Qahira contact@somalidiasporanews.com