Urur Siyaasadeedka Midnimo oo Xukuumada Puntland ku eedeeyay Beenabuur
Garoowe July 02,2013(SDN)-Urur SIyaasadeedka Midnimo ayaa baaq uu soo saaray ku sheegay in xukuumada Maamul-goboleedka Puntland in ay ka been sheegeen isu soo baxyo ay dhawaan qabteen.
Baaqa oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururuka Midnimo Dr Saadiq Enow ayaa sidan u qoraa:Sida ay xeerarka nolosha ina-bareen, ma-jiraan wax halkooda taagnaanaya. Wax walba ama horey ayay u socdaan oo shacni iyo qurux ayaa ku kordhaya. Ama dib ayay u socdaan oo darrow iyo foolxumo ayaa ku kordhaya. Hannaankii siyaasadeed ee Dal-udug, markii uu noqdey mid bulshadiisii horey u dhigi-waayey, wuxuu noqdey mid darrow iyo fool-xumo isna is-bada, bulshadiisiina bada. Haddaanu nahay Urur-siyaasadeedka Midnimo waxaanu horeyna uga digney, haddana aanu ka digeynaa xeerarkii lagu heshiiyey oo la garab-marayo iyo beenta lala wareegayo gudaha iyo dibadda. Si gaar ah waxaanu ka digeynaa is qaadan-waaga u dhexeeya tubta loogu adeegayo dad-weynaha ee talo-wadaageynta ah oo ragga majaraha u haya ee ku howlan xeeladeysi lagu muddo kororsanayo iyo diidmada dad-weynaha.
Labadii maalmood ee la soo dhaafey, degmooyinka waaweynaa ee Dal-udug waxaa ka dhacay bannaan-baxyo been abuur ah. Waxaa la sheegey in dadkaasi ay taageerayeen ururka Horseed oo ah midka talada haya. Dadkaasi, tiradooda yareyd ka sokow, intooda badan waxay ahaayeen dad laga keeney xeryaha qaxootiga. Waxaa weheliyey shaqaale dowladeed. Magaalada Boosaaso, waa lagu orinayey, magaalada Dhahar waa la dhagxiyey, magaalada Waaciye waa laga eryey, magaalada Qardho goor aroor ah oo dadkii ayan weli soo bixin ayay gawaari ku mareen waddada, magaalada Gaalkacayo inta la xabbadeeyey ayaa la kala eryey.
Mucaaradada dad-weynuhu waxay salka ku heysaa xubo bulshada kamid ah oo loo doortey in ay dowladda hoggaamiyaan, laakiin is-moodey in ay dalka iyo dadka iyagu leeyihiin. In laga been-sheego diidmada dad-weynaha, maahan mid ka turjumeysa anshaxa masuuliyadeed iyo tubta lagu doonayo mashruuca talo-wadaagga ah. Urur-siyaasadeedka Midnimo hadduu horey u ballan-qaadey in uu u hadlo dad-weynaha badan ee aamusan, aniga oo ururka magaciisii ku hadlaya waxaan qoraalkan ku soo gudbinayaa farriimo shan ah oo aanu ku cabbireyno codka bulshada.
I) Farriinta 1-aad waxay ku socotaa issimadii wax ka dhisey maamulka Puntland intooda nool iyo kuwa qaatey dhaxalka intii dhimatey. Waxaan u sheegeynaa issimada in ay astaan u yihiin soo-yaal dhaqameed oo ay dhaxal u yeesheen dadka ku dhaqan gobollada Puntland. Waxaan u sheegayaa issimada in ay astaan u yihiin Taariikh fil-weyn oo Soomaali oo idil u buuxisey kaalin mug leh. Waxaan u sheegayaa issimada in ay astaan u yihiin jiritaanka Dowlad-goboleedkan Dal-udug. Taladiina ayuu degaankan ku badbaadey muddadii la huriynayey dab-shidkii dagaalka sokeeye oo ay la bur-burtey dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Taladiina ayay ahayd midda uu degaankan kaga nabad-galey hooggii iyo bi´ii heley gobollada Soomaaliyeed oo la gubtey colaaddii dagaalka sokeeye. Taladiina ayay ahayd midda lagu dhisey maamulka dowlad-goboleedka Dal-udug oo maanta isaga oo hanaqaadey ay rag doonayaan in ay yiraahdaan cad-yohow ama ku cuney ama ku ciideeyey. Taladiina ayay ahayd midda uu maamulku ku taabba-galey ee uu ku heley ictiraaf dowli ah iyo mid maxalli ah. Taladiina ayay ahayd midda dhowreysey deris-wadaagga iyo nabad ku wada-noolaanshaha ka dhexeeya beelaha ku bahoobey Dal-udug iyo beelaha maamullada la deriska ah. Ugu danbeyn, mar-kasta oo ay siyaasaddu dabranto, taladiina ayay ahayd midda dabar fureysey.
Anoo ogsoon in issimada ay yihiin kuwo mar-walba dareenka la wadaaga dad-weynaha dhibban ee aamusan, misana waxaan u sheegayaa in dhaqanku uu bulshadu u yahay halka jirriddu uu geedku u yahay. Geed-kasta oo engegan, inta ay jirriddu u nooshahay waxaa suuragal ah in uu dib u soo noolaado. Wuxuu u baahan yahay tiix roob ah oo ku da´a. Markaas ayuu cagaareynayaa oo weliba ubaxeynayaa. Dal-udug geed ahaan waa u qallaley. Laakiin waxaa u nool jirriddii ahayd dhaqankii wanaagsanaa oo dadku lahaa. Si ayan jirriddaas u engegin, issimadu waxaanu u tilmaameynaa in ay wax ka waraabiyaan. Ogaadana aamusnaanta dad-weynuhu in ayan macnaheedu ahay in ay raali ka yihiin sida wax u socdaan. Shiddaduna ka hor-tagga ayay kaga wanaagsan tahay, daweynta markii ay dhacdo dabadeed.
II) Farriinta 2-aad waxay ku socotaa madax-weynaha Dal-udug Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad (Faroole). Annaga oo qaddarineyna maamuuska uu mudan yahay xilka uu hayo darteed, misana in runta leyso sheego waxbaa ku dawoobaya ee wax kuma hallaabaan. Erey aad Nairoobi ka tiri ayaa wuxuu ahaa:
” Puntland qeylaa ka yeereysa. Meel qeylo ka jirtana, ama waxbaa ku siyaado ah ama waxbaa ka nuqsaan ah ”.
Qeylada ka yeereysa dad-weynaha Dal-udug oo aad adigu markhaati furtey, waa mid ay sababtey nuqsaanta ku timid noloshii siyaasadeed iyo middii dhaqaale ee dad-weynaha dhibban ee muddada aamausnaa. Wax walba oo khalad ah ee dhacana waxay salka ku hayaan maamul-xumida iyo siyaasadda gurracan ee dadka gaarka ah ay ka adeeganayaan. Adiguna aad odeyga ugu tahay. Haddaba, maadaama ay si qabow kuugu dhamaatey afartii sano ee xilka laguu dhaariyey. Maadaama ay gabaabsi tahay sanadkii siyaadada ahaa ee aad ku darsatey, ballanqaadkuna ahaa in sanadkaas lasoo gaba-gabeeyo mashruuca tala-wadaageynta ah. Maadaama uu mashruucaasi dhanka dad-weynuhuna uu ka gadmi-waayey tuhunka ay ka qabaan darteed, dhanka maamulkana uu ka socon waayey, daacad la´aanta aad-qabtaan darteed. Waxaanu kuu soo gudbineynaa dhambaal ah inaad si xilkasnimo leh u soo gaba-gabeyso xilligii xukunkaaga. U-soo celiso bulshada, awoodda dowladeed oo ay kuu dhiibteen. Aad oggolaato in leyu diyaariyo doorashadii ku dhisneyd 66-ka wakiil. Haddii uu damac kugu hareyna aad u soo diyaar-garowdo doorasho barlamaani ah, sidii ay ahaan jirtey.
III) Farriinta 3-aad waxay ku socotaa guddiga doorashooyinka. Sidaan horey u soo sheegey, guddiga doorashooyinka wuxuu garab-marey xilkii loo igmadey ee la xiriirey mashruuca talo-wadaagga ah. Taasina waxay ka danbeysey markii uu garab-marey dhamaan xeerarkii dhignaa ee ilaalinayey habsami u-socodka mashruuca.
A) Guddigu wuxuu garab-marey xeerkii Dal-udug oo loo igmadey in ay kalsooni ku kordhiyaan natiijada howlahooda. Waxaa kamid ah xudduudaha degmooyinka, maxkamadda dastuuriga, gobollada maqan iyo heerka amniga degaanka.
B) Guddigu wuxuu garab-marey xeerarkii gaarka ahaa oo ay iyagu degsadeen. Waxaa kamid ah muddooyinkii iyo marxaladaha loogu tala-galey in mashruucu ku fulo, in ay ku soo gaba-gaboobaan muddo sanad ah, shuruudihii laga doonayey in ay buuxiyaan ururada la fasaxayo.
C) Guddigu wuxuu garab-marey ballantii ahayd in ay talada wax ka siiyaan ururada siyaasadeed. Madaxda ururka Horseed oo keliya ayaa waxay noqdeen kuwa uu guddigu la tashado, daacadna u yahay. Waxaa xusid mudan in xubnaha sare ee guddiga doorashada ay ku magacaaban yihiin la taliyayaal madax-weyne.
D) Guddigu wuxuu garab-marey ballantii ahayd in ay noqdaan xubno dhex-dhexaad u ah ururada ku loolamaya siyaasadda. Inkasta oo aanu in-badan dhawaaqney, misana marna ma dhicin in guddiga doorashadu uu ururadii ballamiyo, si uu nooga dhegeysto wixii aanu tabaneyno.
E) Ugu danbeyntii guddigu wuxuu noqdey mid ka tala bixiya xeerkii u yiil Puntland oo ah howl uusan shuqul ku laheyn. Waxaa dhacdey in ay madax-weynaha u gudbiyeen talooyin lagu fara-gelinayo dastuurka. Dabadeedna madax-weynuhu ka aqbaley, barlamaankuna uu u ansixiyey sidii ay guddiga doorashooyinka doonayeen.
Sidaa darteed waxaanu caddeeneynaa, dad-weynaha Puntland in ay u arkaan guddiga doorashooyinka iyo mashruucii ay wadeen in labaduba ay naf-baxeen. In la bakhti-afuufona aanan dib loogu soo nooleyn karin.
IV) Farriinta 4-aad waxay ku socotaa wakiillada barlamaanka, xubnaha dowladda iyo masuuliinta ururada siyaasadeed. Inkasta oo ay idin kamid yihiin xubno xil-kas ah, misana waxaad mooddaa in-badan oo idin-ka mid ah in ayan la socon waxay ku sugan yihiin dad-weynaha ay xilka u heyaan. Waxaan idiin sheegayaa ooraah siyaasadeed oo aqoon ku dhisan, taas oo ay hal-abuureen dadyowga horteen ku il-baxay siyaasadda. Ooraahdaas oo ah (Political Prostitution) ayaa waxaa loo adeegsadaa meelaha ay ka shaqeyso siyaasadda uu laaluushku saldhigga u yahay. Waxay markaas isku mataalayaan dumarka jirkooda ka ganacsada ee inteeyan lacagta qaadan uu damiirku ka dhintey iyo kuwa lacagta ay heystaan ku doonaya wax ayan xaq u laheyn. Xiriirka dhex-mara labadaas jaad ee aadamiga ah ayaa waxaa lamid ah xiriirka dhex-mara kuwa lacagta ku doonaya awood siyaasadeed oo ayan xaq u lahayn iyo kuwa laaluushka ka qaadanaya oo damiirku ka dhintey.
Dad-weynaha Dal-udug waxy ogsoon yihiin maamulka dhisan ee aad la shaqeysaan in uu yahay mid laaluush ku yimid. Haddana doonaya in uu laaluush iyo xeeladeysi ku cimri-dheereysto. Haddaba ha noqonina tusaalihii kuwa damiirka ka dhintey ee laaluushuka ku bur-buriya damiirkooda, inteeyan ku bur-burin dalkooda iyo dadkooda. Xilka idin-saaranna waa mid u baahan damiir sareeya iyo anshax hufan.
V) Farriinta 5-aad waa mid guud oo waxay ku socotaa dad-weynaha Dal-udug. Xuquuq aanan la sheegan waxay ku danbeysaa in la mahoobiyo, baadi raagteyna, lihi baa la moodaa. Si ayan taas u dhicin, Ururka Midnimo wuxuu dad-weynaha Dal-udug ugu baaqayaa bannaan-bax nabadeed oo ay isu soo baxaan bisha julay saddexdeeda oo ah subaxa arbacada ah, markey saacaddu tahay 08:00 subaxnimo. Dad-weynaha ku dhaqan degmooyinka waaweyn, dhamaantood waxaanu ugu baaqeynaa in ay ka soo qeyb-galaan bannaan-baxaas nabadeed si innaga oo wada-jirna aanu u muujinno rabitaankeenna. Una hor-joogsanno rabitaanka dadka tirada yar ee naga adeeganaya.
Eexashadu ha dhimato
Xaqu ha adkaado
Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Midnimo
Dr. Saadiq Enow