Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo ku aadan 1-da Luuliyo u diraya dhamaan shacabka Soomaaliyeed
Muqdisho, 01, Luuliyo, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliye mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa hambalyo ku aadan sanad guuradii ka soo wareegtay 1-da Luuliyo 1960 u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dibada iyo gudaha dalka.
“Anigoo ku hadlya magacayga, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan hambalyo hawada u marinayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibadba. Waxaa leeyahay Hambalyo waa maalintii laga xoroobay gumaysitihii Talyaaniga, waana midowgii waqooyi iyo koonfur,” ayuu yiri Ra’isuul Wasaaraha oo dhanka kale sheegay in maalmo ka hor loo dabaal dagay 26-ka Juun 1960 oo ahayd maalintii ugu horeysay ee six or ah calanka dalka looga taago ciida Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa dhanka ka hadlay ahmiyadda ay leedahay maalintii qiimaha badan oo ah maalintii ay soo noqotay sharaftii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed.
”Sharaftaan iyo karaamadaan aan ku naaloonayno maanta una dabaal-dagayno waxay ku timid halgan dheer oo ummada Soomaaliyeed u soo gashay inay gumaysi ka xorowdo. Waxaana mahadnaq mudan kuwii soo hooyay oo si geesinimada leh uga hortagay gumastaha. Halgamayaashaasu waxay u istaageen inaan helno xornimada aan harsanayno, waxay u hureen dhiigooda iyo maalkooda, waxayna nooga tageen dhaxal taariikhi ah oo u baahan inaan hanano si weyna u illaashano dhamaanteen,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhanka kale tilmaamay midnimada ummada iyo muhiimada ay u lahayd in dalkeenu gumaysi ka xoroobo.
“Xonimadu waxay ku timid dadaal dheer, wada jir, midnimo, iyo dhiig badan oo loo daadshay, waxaana ka go’naa intii hormuudka ka ahayd halgankaas inay Soomaaliya noqoto wadan madax banaan oo caalamka la jaan qaada” ayuu yiri Ra’iisul wasarahu
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay dhalinyarada maanta joogta iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay u badbaadin lahaayeen una horumarin lahaayeen dalkooda. Waxaana uu ugu baaqay kuwa wali ku jira colaadahana inay ka waantoobaan. Waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Soomaaliya maanta uu soo baxay iftiin dawladnimo, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii dalku uga bixi lahaa dhibaatooyinka, iyo colaadiihii 22 sano daashaday.
Ahmed Adan
Warbaahinta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya