|

Kismaayo oo Dagaalo Qadhaadh kadib ay Xaaladu Caadi ku soo Noqonayso

Kismaayo 01.July (SDN) Magaalada Kismayo ayaa maanta waxa dib u furmay goobaha ganacsi ,kuwa waxbarasho ,caafimaad ,wadooyinka iyo isku socodka dadweynaha ka dib dagaalo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay halkaasi.

Ciidamada Jubaland ayaa amaanka guud ee magaalada la wareegay ka dib dagaalo ay la galeen kooxo khalkhal ku waday amaanka oo ay sheegeen inay yihiin Al-shabaab ,DF iyo rag ay adeegsanayso.

Banaanka magalaada ayaa loo soo saaray ,waxana Barre Hiiraale oo ka mid ahaa uu sheegay inuu is-bahaysi la samaynayo kooxda Al-shabaab sidii ay meesha uga saari lahaayeen ciidamada Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM ee xasilinta dalka.

DF ayaa ku eedeysay ciidamada AMISOM ee Kismayo inay ka qayb qaateen dagaalka islamarkaasina waxyeelo u gaysteen dad rayid ah.

Afhayeenka ciidamada Kenya Cyrus Oguna ayaa warkaasi beeniyay oo sheegay in ciidankoodu ku suganyihiin goobo ka baxsan rayidka meelaha ay deganyihiin ,waxaan uu raacshay inay gudaha magaalada ka hawlgalaan ciidanka Somalidu halka ay iyagu qaabilsanyihiin amaanka dibadda.

Dagaaladii Kismayo ka dhacay afartii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la sheegay inay rayid faro badan ku leedeen dhimasho iyo dhaawacba leh,waxana eeda dusha looga tuuray DF oo colaad ka hurinaysa Jubooyinka.

Saraakiisha Jubaland waxay saxaafada u xaqiijiyeen inay soo afjareen hawlgalkii amniga lagu sugayay islamarkaasina ay noloshu dib ugu soo laabatay magaala xeebeedka Kismayo.

Kismaayo SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed