Madaxweyne Siilaanyo oo Furay Xafiis loogu magacaabay Shaqo doon kana hadlay Afada Tahriibta {DHAGAYSO}
Hargaysa 01.July (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta furay Shirweyne Qaran oo lagaga hadlayo Shaqo abuurka dhalinyarada Somaliland kaas oo Mudo laba Cisho ah ka socon doona Huteel Maansoor ee Magaalada Hargaysa isla markaana ay ku Lamaanayd Carwo ku saabsan Shaqo abuurka .
Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradaha arrimaha bulshada iyo qorshaynta qaranka
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa u mahadnaqay Labada Wasaaradood ee soo qaban qaabiyay Shirweynahan qaran, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo tilmaamay in Xukuumadiisa ay ka go’an tahay sidii dhalinyarada loogu abuuri lahaa fursado Shaqo oo ay kaga badbaadaan Tahriibta iyo Wixii la mid ah ee Nafahooda Khatar Gelinaya .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Silaanyo) Waxaa kale oo uu Xadhiga ka jaray Xafiiska Shaqodoonka Dhalin yarada oo ay wasaaradda Qarshaynta Qaranku ay soo abaabushay kaasi oo laga Furay Wasaarada Caafimaadka Gudeheeda halkaas oo madaxweynuhu uu soo kormeeray Guud ahaan Shaqaalah iyo Agabka ka shaqaynaaya iyo adeegyada ay u qabanayaan Bulshada iyo Dhalinyaradaba.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/ShaqoSiilanyo(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com