Machad Afka Soomaaliga lagu Horumarinayo oo laga Furay Jabuuti
Jabuti June 29,2013(SDN)-Waxa Jamhuriyada Jabuuti laga furay Machad lagu horumarinayo luuqada Soomaaliga oo ay wadajir isaga kaashanayaan dhamaan maamulada degaanada Soomaalida ee Geeska Africa.
Wasiirka Diinta,dhaqanka iyo Awqafta Jabuuti iyo Ururka PEN ayaa wadajir u furay machadka sida ay daabacday jariirada La Nation.
Wasiirka umuuraha Diinta ee Jabuuti Adan Xasan Aadan,wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Dhaqanka Jamhuuriyada Somaliland Abiib Diiriye Nuur iyo madaxweyne ku-xigeenka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya Abdixakiim Cigaal Cumar ayaa ka qeybgalay furitaankii Machadka.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti oo kulan la yeeshay madaxdan Soomaalida ayaa uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay uga wada shaqeynayaan badbaadinta Afka Soomaaliga.
SDN-Jabuti
contact@somalidiasporanews.com