|

Xasan Daahir Aweys oo isaga tagaya Cadoodo

Cadaado June 29,2013(SDN)-Maamul Goboleedka Ximin iyo xeeb ayaa shaaciyay in Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa madaxdii sare ee ururka Al Shabaab uu go’aansaday in uu degaanada maamulkaa isga baxo.

Sida uu saxaafada u sheegay Afhayeenka ximin iyo xeeb Maxamed Cumar Hagafeey Xasan Daahir ayaa diiday in uu tago magaalada Muqdisho.

Hagafeey ma sheegin xaga uu tegao Xasan Daahir Aweys kolka uu degaanadooda isaga baxo.

Xasan Daahir Aweys ayaa ka mid ah madaxda sare ee Shabaabka ee QM iyo Mareykanku ay ku dareen xagjiriinta hantidooda la baadi goobayo.

Dhawrkii maalmood ee u dabeeyay ayaa waxa magaalada Cadaado ka jiray isku dayo lagu doonayo in Xasan Daahir aweys lagu qanciyo in uu iskii isugu dhiibo dawlada Soomaaliya.

SDN-Cadaado
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed