Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka UDAD ee Punt land oo dhaliilo u soo Jeediyay Maamulka Puntland iyo Gudida Doorashada {DHAGAYSO}
Garowe 28.June (SDN) Gudoomiyaha urur siyaasadeedka UDAD Siciid Faarax Sanwayne ayaa maanta kala hadlay Dadweynaha ku Nool Magaalada Garoowe oo isu soo bax balaadhan oo ay ku Muujinayaan Taageerada ay u hayaan Urur Siyaasaddeedkaas Waxaanu Gudoomiyuhu Khudbadiisa kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan doorashooyinka ,nidaamka xisbiyada iyo barnaamijka ay ku hawlgalayaan.
Ururka Horseed ee xisbiga talada haya Puntland ayuu eedayn u soo jeediyay ,isagoona ka codsaday guddiga doorashooyinka iyo kan Kormeerka inay dhex dhexaad ka noqdaan hawsha baaxada leh ee u taal.
Dedejinta dhismaha maxkamada dastuuriga Puntland ayuu ku baaqay Siciid Sanwayne oo haatan wakiilada Puntland ay ka doodayaan si loo kala saaro ururada marka la gaaro xiliga doorashooyinka.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/UrurkaUDAD28.mp3″]
Garowe SDN.
Qurbejoog.com