Maamulka Dahabshiil oo Cadeeyay inuu Baanka BarClays ka Noqday Go’aankii Xayiraadiisi Hore {DHAGAYSO}
Hargaysa 28.June (SDN) Maamulka Shirkada Dahabshiil ayaa maanta Xaqiijiyay in Baanka BarClays ee Ku Yaala Wadanka Ingiriisku uu ka Noqday Go’aankii uu hore u soo saaray ee uu ku sheegay inuu Xayiraad saaray Sanduuq Xisaabeedyada ay ku leeyihiin in ka Badan Laba Boqol iyo Konton Shirkadood oo Xawaaladaha ah.
Cabdi raxmaan Cali Cabdi oo ah Maareeyaha dhinaca Xawaaladaha ee Shirkada Dahabshiil Group oo Maanta Warbaahinta ugu Waramayay Xafiiskiisa ayaa Sheegay in Go’aanka ka soo baxay Baanka BarClays ay ka hawlgaleen Shirkadooda oo kaashanaysa dalal kala duwan isla markaana ay ku faraxsan yihiin inuu baankaasi ka Noqday Go’aankiisii.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DAHABSHIIL281.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com