|

Taageerayaasha ururka UDAD oo isku soo baxay balaadhan Maanta ka Sameeyay Garowe

Garowe 28.June (SDN) Urur siyaasadeedka UDAD ayaa maanta  taagerayaashiisa iskugu soo baxeen magaalada Garowe oo qayb ka ah bilowga ololaha doorasho ee ururada siyaasadu ugu jiraan doorashooyinka golayaasha deegaanka.

Boorar ay ku muujinayaan astaanta ururka ayaa taageeraayashu wateen iyagoona isla jiibinayay erayo Guul ugu rajaynayeen doorashooyinka soo socda ururkooda.

Madaxda ,masuuliyiinta iyo dadweynaha ururka ayaa si isku mid ah u soo baxay wadooyinka waawayn ee magaalada oo ay socod ku mareen ka hor intaan la iskugu iman barxada Garowe oo halkaasi hadalo laga soo jeediyay.

Cabdisalaan Jaamac Xirsi oo ka mida odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in lagu guulaystay riyadii Puntland lagu dhisay ee ahayd in laga hirgeliyo nidaamka axsaabta badan ,isagoona ku baaqay in nabada Puntland laga wada shaqeeyo.

Faadumo Maxamed Siciid oo magaca dhalinyrada ku hadlaysay ururka UDAD ayaa dhalinta ku bogaadisay inay ku soo biiraan ururkooda oo isbedel doon inuu yahay tilmaamtay islamarkaasina dhalintu kaalin mug leh ku yeelan doonaan.

”Waxaan doonaynaa inaan helno dhalinyaro matali karta dadka iyo dalka Puntland” ayay raacisay hadalkeeda.

Faadumo Diiriye Cali oo ka mida xoghayaasha ururka UDAD ayaa bilowga hadalkeeda amaantay odayaashi dhaqanka ee Puntland dhisay maadaama ay ka taliyeen nabada,horumarka iyo dimoqraadiyada haatan ka jirta.

”Horukaca Puntland dhalinyarada ayaa horseed u ah ,waxana ururku diyaar u yahay in cid kasta oo reer Puntland ay isku soo sharxaan” ayay tiri Faadumo Diiriye.

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka UDAD Siciid Faarax Sanwayne ayaa dadweynihii isku soo baxay khudbad u soo jeediyay dhamaadkii banaanbaxa oo uu kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan doorashooyinka ,nidaamka xisbiyada iyo barnaamijka ay ku hawlgalayaan.

Ururka Horseed ee xisbiga talada haya Puntland ayuu eedayn u soo jeediyay ,isagoona ka codsaday guddiga doorashooyinka iyo kan Kormeerka inay dhex dhexaad ka noqdaan hawsha baaxada leh ee u taal.

Dedejinta dhismaha maxkamada dastuuriga Puntland ayuu ku baaqay Siciid Sanwayne oo haatan wakiilada Puntland ay ka doodayaan si loo kala saaro ururada marka la gaaro xiliga doorashooyinka.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed