Xasan Daahir Aweys oo Diiday in Muqdisho loo Dhaadhiciyo
Cadaado June 28,2013(SDN)-Xasan Daahir Aweys ayaa lagu soo waramayaa in uu diiday talooyin logu soo jeediyay in uu iskii isugu dhiibo dawlada Soomaaliya.
Sida uu saxaafada u sheegay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Ximin iyo Xeeb Cabdi Maxamed Axmed uu ilaa iyo haatan diidan yahay in Muqdisho la geeyo.
Cadaado waxaa ku sugan xubno wasiiro ah oo ka tirsan dawlada Soomaaliya oo Horjoogihii hore ee Maxkamadaha Muqdisho la geeyo.
Ma cada halka xaal sal dhigan doono iyo waxa Ximin iyo xeeb ay ka yeeli doonto Xasan Daahir Aweys.
Waxaase jira culeysyo ka iminaya dhinacyo kala duwan oo dalbanaya in Sheekh sharciga la horgeeyo.
SDN-Cadeymo
contact@somalidiasporanews.com