MIYIR IYO MIRQAAN…. FAALO LABA MUWAADIN OO MIDBA SIFO GAARA LEEYEY DHEX MARTAY
MIYIR IYO MIRQAAN…LABA MUWAADIN OO MIDBA SIFO GAARA LEEYEY.!!!
Siddeedaba dadku markay wadaagaan qaranimo, degaan, diin, dano bulsheed, waxa had iyo goor ka dhex taagan mushkilado la ogyey oo cidda hogaanka haysaa ay abuurto iyo qaar ay iyaga laftoodu isu geystaan. Dhibta la ogyey ee hogaanka taladda ummadaasi hayaa waa la sharaxi karaa lana tilmaami karaa dhibta iyo saameynta ay bulshaddu kala kulanto.
Dhibta ay bulshaddu isu geysato iyo ta hogaankii ay doorteen u geysto waxa inoo balbaliidhin doona si hufana inoogu soo ban dhigi doona labadan muwaadin ee bulshadda ka mida ee halkan hoose isku waraysanaya. Labadaasi muwaadin waxa la yidhaa MIYIR iyo MIRQAAN.
Labadan odey ee Miyir iyo Mirqaan waa laba muwaadin oo uu bulshadda reer somaliland ka mida, labadooduba waa ninba dhankiisa ka dhex qaadayo dhib iyo dheef midkay doonto ha ahatee aan maalina kala habsaamin soo gaadhsiinteeda.
MIYIR. Waa nin jecel danta caamka ah ee ummadu wadaagto iyo ta gaargaarka ah guubaabiyana wixii bulshada horumarkeeda wada aadna u dhiiri geliya balse aan dadku jecleyn Miyir iyo run shaacintiisa iyo tilmaamideeda. Balse Miyir uma jojiyo cidii ku caaroonaysa iyo tii ku candhoobaysa toona, inta badana kuwa aan xaqa iyo daacadnimada toona ogolaynin waa la col Miyir.
MiRQAAN.. Waa nin dhibta iyo wax yeeladda bulshadda dhaqan ka dhigtay inta badana aad wax u yeela bulshadda jilicsan geestay doonto ha joogtee waa nin xumaha bulshadda ka shaqeeya iskana horkeena waxa uu si xad-dhaafa u necebyey kuwa Alleh ka cabsadda ee ka cilmiga roon iyo haldoorka ummada, yaalaaba isagga laftiisa waxa ku shaqeysta cidii xilka qaranka loo igmaddo ee sida xun ugu dhaqmaysa ama aan u guddan sidii loogu talo galay Mirqaan waa nin muranka iyo gafuurtaagu caaddo u yahay runtiina aan ogeyn cidda uu u shaqaynayo iyo kuwa uu wax jeelayo mana kala saari karo khasaara caam ahaaneedd iyo ka kooban ee ku eeg shakhsiyaad, hadafkiisu ma dhaafsiisna malintaas waxa uu afka galinayo ee dalqadda qooman sii marinay. Hadana waa tan sheekaa dhex martay….Labadadaa muwaadin ee guudka sare iyo muuqa isagga eeg hasayeeshe kala caqliga iyo ficilka fog.
MIYIR: Salaama Calaykum mirqaan bal waran waayadan laguma aragge xageedd ku maqnayd ee aad jaan iyo cidhib dhigtay?
MIRQAAN: Miyiro salaantaada mooyee in aanu dawlad noqonay oo aanu dayaxa fuulay miyaanad maqal qoladayada reer qansax oo dhulkii aad nagu ogeyd iyo degeladii barriga ee aanu ku beercadaanay kamaanaan soo guurin oo maalin walba 30 waarad caasimadan Hargeisa sooma galaan oo markala waddo hawlahooda iyo shuqulkooda oo isuma geeyo Madaxweynaha iyo dadkiisii uu balamaha u qaaday ilaa qaaxo waar waxaan ku idhi wax kale kuma garatide waxaan u raadiyaa ilaa jagooyinka ay donayaan in ay degaan iyo kuwa ay ka shaqayn doonaanba. Miyaanad ogeyn in aanu ciidan gaara oo la yidhaa RRU-USB oo la mida kuwa dalaayadda ku booda ee habeenkii guureeya meesha dheera wax katoogta, warbaa kaa maqan.
MIYIR: Haa oo maxaa dhulkaa looga soo guurey ee bulshada loo soo rarayaa siday u dhantay ma wax dhibaa ka jira deegaanadda bulshadeenu degto in halkooda lagu dayac tiro oo baahiyahooda daruuriga ah la daryeelo ayaa mihiima hawgu horeeyaan Biyaha, Xarumo cafimaad, Xarumo Diineed, kor u qaadida waxabarashada, Rugu wacyigalineed oo lagu dardargeliyo dadka iyo horumarkooda geeswalba ah hadii aynoqoto xaga baahidda xoolodhaqatada, beeraha iyo wixii kale ee bulshadda loo qabanayo. Looma baahna in sidii caydhii sablaale ilaa dameerahooda iyo dhigahooda la keeno galbeed guntii lagana soo kaxeeyo deegaanadoodii. Haddi wax kale jiraan mooyi laakiin waa talaabo wagashwagash ah oon loo baahneyn. Ciidamaddan aad sheegayso ee aad leeday dalad ayay ku boodaan ma bari baa laga keenay? maxayse qabanayaa, dhawaana waxa aan maqlayey dad rayid ah ayay rasaas ku fureen oo ay iska laayeene?
MIRQAAN: Waa markaad hamada aan jirin iyo quraan dhurwaaga akhriyi jirtay ciidamadaas bari ayaa laga keenay oo dhiboogoodii laga soo qoray caaqilaana keenay waana balamihii iyo qodobadii ka soo baxay shirkii “GAR_ADAG” cid waloo indho iyo faro nagu soo fiiqdana afkaa loo galinayaa rasaas. Xarumhan iyo deegaamadan aad sheegaysaa waa kuwo noo kala soocan halka aanu wax ka qabanaynaana maaha meel walba ee dhulka noo gaarka ah iyo dantayadaanu qabsanaynaa, waar waxa aanu wacyigalinaynaa iyo dano qaran oo noo yaalaa ma jirtee intii kuwii hore gurteen iyo toban laabkeed ayaanu ku balansanay hadaanu nahay Reer Qansax oo weliba ciddii sidaa u soo eegta xabashidaanu u dhiibaynaa waxii xun ee xayirayana qoortaanu xadhig u sudhaynaa waar qiirada iyo is bihin-bihinta igala hor dhaqaaq.
MIYIR: Haa oo miyaan umaddu dooran dawladan aad leeday Reer Qansax ayaa dheefteeda kabaha ka subkanaya oo cidii soo eegta god baanu ku ridaynaa…Ciidankan aan moodayey mid qarana ma POLICE jifo soo tababarataa waa yaabe…..Waar dawladdi sidan kuma dhisanto qarana kuma tis qaadee aan kuu waramo duliyahow kala saari l’a cagiba kabtay lahayd hadana golaha wasiiradda iyo madaxtooyada sabasabdheynayaa…Haddi hogaanka qaranka cidi ay iska xigsiiso shacbigii doortay iyo dhamaan dadweynihii wax soconayaa ma jiro mid Reer Qansax iyo mid Qaran toona oo hada fahan darkan aad kolba gorodda gelinayso ee kaligaa kuu ceegaagaa jirimaayo, duunyadan iyo dahabkan kuu booliga ah ee aad dhirta iyo kaymaa aad sudhsudhatayna shacbigii lahaa ayaa ilqoodha ka eegaya oo calfanmaysid, madaxtooyadan aad inta gaara ku shirisaan saacadda danbena dadkaa leh oo dib macal weyn la lulimaayo. Hadii ficiladan iyo nidaamkan fashilan aan dhakhso wax looga bedelin ummadu tageeradoodii iyo hankoodii iyo hiilkoodda ay l’a barbar taaganyiin way kala hadhayaan dibadaanay u soo tuurayaan dhawaan, darkaa aad sheegaysaa bankii geriyaad ayuu noqonayaa oo Alleh ayaa igu oge meel aad afka dhigto daayoo in saanta lagaala baxaad u badantay ee dadka ka daa waxan oo caqli xumo ah ee aad waarideyso oo jooji waxanoo war beena iyo tashuushkan aad ummada la dhex qaadayso. aad i warayso leeday ee wixii afkaaga ku soo dhacaba aad odhanayso. Maah maah Somalilandera ayaa tidhaa “Karis-Xun iyana Wax Ku L’a” Waar Qaran iyo dufan reer u radinatu meel ma wada galaane inoo kaadi oo kashifaad iyo ceeb inoogu filan boobkan iyo qabyaaladan aad dalkii ku wadheen muuqaalkiisii guude joojiya caqli xumadda iyo waxanoo indho adkaana.
MIRQAAN: Alla war li’daa miyaanad ogeyn in aanu guddo iyo dibadba xidhiidh beeleed oo majiiran aanu ka samaynay wakhtigii doorashadda oo aanu si ficil qoys ka muuqdo aanu u ololayney oo aanu waxii aanu ganbo iyo jaqaf haynay aanu ku madoobeynay madaxweynahayaga aad arkayso adeer wax ciyaar ku yimi ma aha ee waanu u soo rafaadnay oo aanu u soo jab-nay! Miyaanad ogeyn in Kulmiye kun jeer lagu soo duulay oo la damcay in nalaga qaado gabigiisaba shirkii Gar-adag baa na cayntisee cagaha dhulka kumanaan hayneen gabigayagu o daadkaa nala raacin lahaa. Miyirow in aad is idha tirays waa wax iska cad ee calaacalka qarameysan iga daa waanan ognahay in aad cadow xun tay oo qaranimo hadeer misna ila hoos boodaya waar kaarayaal doono. Dawlda iyo wasiiradeedda anagaa noqonayna oo Shafal iyo Shufu kastoo madaxweynahaygu sameeyo wasiiradayadu way joogayaan waanaanu is ognay waanaanu balansanay taas ayaa Alleh lagu mahadiyaa in cadawgiinaas aanu hadhuudhlaha ku daro ayaa noo balana qurshaha soo socdana waa mid aydun dhegaha faraha galin doontaan.
MIYIR: Waa caqliyadd dameer iyo doqqon mayracatay hamigeedii dheh, waan ogaa in markii aad yaraydba wax kale kaa dhex guuxayeen oo nabar aan dawo lahayniyo boogo caloosha kaaga yaalaa jireen haatana kii oo ciraystay oo wixii oo caal ahaa ku dilaaceen uun baad tahay.. Masiibo kalana waa kuu dheertahay Mirqaanow oo waligaaba Beysteen kii ku siiyaa waalidkaabuuu ahaan jiray waayo aad u badan, hadeeroo dabaqaa laxoox ah maqaaxidaa Oromadda lagaa siiyo subixii duhurkiina xagalo geel iyo marduufka jaadaka ah laysu kaa dul saaray waan iska garanayaa sida aad isu sirgacayso iyo aaduga aad noqonaysee… Waar calaf Allaa baxshee iska daa xayawaanimaddan iyo ummadan aad dabka isugu dhiibayso iyo guulwadayaashan aad wadato ee maalinba isgooys aad dadka reeraha ay yihiin aad ku weydiinayso, oo xaaraantan ku madax martay ka fiirso waxa ummada iska horkeenya ee aad moodayso guusha weyn waa ceeb iyo nusqaan kabaahiree iska daa. Sidda kaa daahan ee Alleh kaa madoobeeye waxa jirta marka bulsho rabto in ay arimaheedda caamka ah wax ka bedesho ee ay hore-u-kaca iyo dedaalka u biyeysato waysada waxa faral ah qodobadan hoose ee bal in ay wax kaaga beydhaan ku celceli oo dameerkuba “kIRTA” waxa uu ku bartay joogtada looga dhigay dhawaaq ereygaase. ku xeji carabkaaga.
1- Alle oo talada la saarto daacad nimo iyo xilkasnimo looga baahanyey hogaanka talada dalka haya uu ugu adeego umadiisa isuna soo jiido bulshada u siman oo aanu kala dhaweysan kalana gurin, xilka qaranka ee loo doortay oo uu sidiisa u guto sugana habsami-u-socdka laamaha dawladda oo dhan.Waa in madaxweynuhu ku xidhnaadaa bulshadiisa inta wadaniga ah ee xanbaarsan hadafka horumareed ee jecel qoomiyadnimadoodda iyo shacbi weynhooda.
2- Qaranimada oo la fahmo iyo muqaalifadda oo la xoojiyo iyo hareeraha oo layska taago danaha caamka ah iyadoon loo eegeynin deegaan iyo cid toona.Waa in dib loo saxaa laamaha dawliga ah ee aad moodo in jifooyin mag hoose ku qaybsanayaan, waa in caadifada iyo ciriqa qabiiliga ah ee darjiidhka iyo kala yaaca kalifa laga waantoobaa oo lo hagar baxaa wadaninimo iyo daacdnimo.
3-Dawladdu iyo golha wakiiladdu waa in ay xeer ciqaabeedd u samysa danaystayaasha xilka qaranka qabta ee majara habaabiya si dilaaladda danta gaara leh ee waxyeeladda qaranka u soo xaytay loogu taxaabo jeelasha danbigay galeene looga jaro, maaha in lagu amaano tuuga ku kashbacay hantida qaranka..
4- Mirqaan iyo dhigisoo oo loo furo xarumo dib loogaga miiro dhiiga iyo ficilkan isku xudheynta iyo kala tuurka bulshada kadibna jeedal joogto looga dhigo markay toobadd keeneen dhakhtar iyo dabiib lala raadiyo bal in laga dabiibo suntan hargaha ee uu buufinayaan iyo figradahan foorara ee ay aaminsanyiin.
MIRQAAN: Ha wadhlayso waar dhaqamadaa duugga ah iyo xeerrarkaa waah horaa qaaradan madow ugu danbeysey goormaad aragtay dhaqan iyo xeer lagu dhaqmo miyaad jirantay dastuurka dawladdu waa qodobadii shirkii GAR_ADAG iyo woxoogaa qurxin ah. Waar cumaamadda soo qaado wixii laguu dirana soo fuli badarkaagana cuuro oo iskagga soo kac gidaarka masaajidka ee labada indhood kugu cadaadeen oo dadkaaga dhinac ka raac. maxaa bulshooyinka aanu ugu talo galay beer-cadaadka ee aanu kaalmadii ummadaha kale bixiyeen aanu badheedha uga duwney aad ugu calaacalaysaa waar taada raac baanu ku leenay oo sidaa CUKUSE wasiir buuxa iska noqo hadhoowtana. Aan kuugu daro warka i yaroo kale waxa uu dhawaan madaxweynahayagu magacaabayaa xuuraamayaal iyo ciijiyayaal, xaqiiqo beeniyayaal, wixii daganba dubtayaal, iyo weliba suuldarayaal ee gufacadaa la magacaabayo ha ka hadhin card-ka soo hanuunka iyo u guuxa xeerarkii Gar-Adagna waan kuu keeni ee isa soo galaal oo waa inoo khamista ayuu odeygu hadhqoodaalka soo fadhiistaaye.
MIYIR….Allow toobadda iyo immaanka mar ha naga wadda siibin oo sida tanagan madhan ha naga dhawaajin.Kuye iskaga kaalay masaajidka oo u digo roggo kaba qad iyo dilaal xaraan quute ah oo Xaaraan u Halgame halaguu bixiyo. Waar manaa ummadeydda xadhkaha dhiig-miiratada qoorta ugu gura oo malinba wixii Alleh inaga reebay ku xaragoodda sidaadda oo ummaddan dhibtadoodda ka shaqeeya, miyaadd hilmaantay ninmaan ahay mise fuudkii xaraantaa ku madax martay oo isma ogid waxan aad qayeyso. Haddi aan kuwinaa dadnimadu iyo cabsida Alleh ka tahriibtay ee qaranka racfaamiyey waxaan balan ugu qaaday in aan mandheera ku guro markaan xilka dayacan soo kuududsaddo oo aydun u eekaan doontaan sidii faqshtii dalka loogu yimi ee xaaraantu muuqoodda bedeshay..
MIRQAAN… Waar war ma hayside doorka danbana waa anaguun mida kale ma aakhiraa janada laguugu balan qaaday maxaad dadka dhan uga raaci l’adey waar hooy soo shaqo tag maxaa kaa siya.
MIYIR: Dawladan aad caqliga iyo jiheeyaha u tay ayaa wax ka si-yiin. Miyaydaan maatidan iyo qarrankan aad madiilaha iyo midiyha u soo soofeysateen miyaydaan wadaagin Islaam-nimada weyn ee weyn Allaa weyne. Waar bal u fiirsadda ummadaha kale caawimadda ay ummadan maacoodda iyo muuqooda ku bixiyeen sida aad ugu tagri-falaysaan bal eega beenta iyo balamaha madhan ee aad maalin walba ku qarqinaysaan maatidadda diirka iyo dubku isku dhegay ee naftu hayso ee goobaha bacadka ah aad ugu qudbadaynaysaan.Filimaayo in xaaraanta iyo booliga aad raamsanaysaan cwaaqib xumidiisu idinka raagayso.
MIYIR: GUNAANAD… Horto wey sahlantay sida waxa ay yiin loo tusaa maamul kastoo unsadda awoodda iyo hantidda qaranka waxa ku filan oo qudha shacbiga oo dhexdiisa iska abaabula sameystana ururr xuquuqdoodda ilaaliya dabagala ku sameeye howlgaladda uu maamulkaasi fulinayo si badheedhana ugu kuur gala caawimadda ummadaha kale bixinayaan kana mid-noqda cidda gudoomaysa si aan looga been abuuran ama aan loo leexsan sidii kuwii hore ee ay qaar raadkoodu sii qoyenyey sida, caawimaddii Tukriga ee qodidda ceelasha deegamada u baahan, caawimadii Kuwit, UK. Waa in bulshaddu ay yeelataa dareen iyo ficil mideeya oo ka rida hororadda aan u hanbeyneynin.
MIYIR: Waar Mirqaanow waxa aan u kacayaa sidii aan bulshadda u tusi lahaa wax ma tarayaasha ay doorteen sidda cadawtinimada leh ee aanay ugu hanbaynin ee waa inoo iyo ficil wadaniya oo aanu idinkala hor nimaadno ee waa barbarkay u dhacdaa.
Nabadeey.
Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe
amiincaynaashe@yahoo.com
Columbus,Oh/Usa