WAXAAN DHISI DONAA, DAWLAD TAYO LEH, OO KOOBAN!
Waxaan idin balan qaadayaa in aan idiin dhisi doono dawlad tayo leh oo kooban, waxay ka mid yihiin erayadii wuu ku hadli jiray madaxwayne ahmed maxamed silaanyo markii la doortay iyo markii wuu ololaha ku jiray ba labadaba.
Waxaynu aragnaa heerka iyo tirade golahahiisa wasiirada,wasiirul dawlayaasha, wasiir ku xigeenada ay marayaan, waxay kor u dhafeen 40tameeyo , waxayna ku siqayaaan ,qarkana u saaranyihiin in ay noqdaan 50ba.
Ololaha marka wuu ku jiray ahmed silaanyo dadku waxay u riyaaqi jireen , hadalada iyo erayada ka soo bixi jiray afkiisa madaama ay ahayeen kuwo togan(positive) oo hadii ay dhab noqdaan dalka iyo dadka reer somaliland waxtar balaadhan u leh keeni karana wadada hormarka dhaqaale ee wuu u baahan yahay dalkeenu si wuu u hiigsada wadamada inala jaarka ah ,
Eraydii iyo weedhihii ahmed silaanyo ku ololayn jiray waxa ka mid ahaa.
1. waxaan ka tagayaa sharaf iyo dariiq toosan oon u jeexo dalkeena somaliland, waxaan dhisi doonaa dawlad tayo si aynu ugu talaabsano hormarka dhinacyadiisa badan.
2. Waxaan yaran donaa kharashaadka ku baxa dawlada si aaan ugu duwo dhinaca hormarka iyo shaqo abuurka dhalinta somaliland ee ay aafaysay shaqo la,aanta baahsani.
3. waxaan idin sheegayaa dhalin yarooy ha tahriibina udub way tagaysaaye, qodobkani waxa wuu ka mid ahaa ka ugu culus ee ay dadka reer somaland aadka ugu riyaaqeen uguna sacabtumeen madaam tahriibku yahay dhib aafaysay dhalinta reer somaliland una baahnaa in wax lataaban karo laga qabto, madaama dawladi daahir riyaale ku fashilantay in shaqo u buurto dhilinta u samayso si loo yareeyo tahriibka.
4. Waxaan abuuri donaa shaqooyin iyo maal galin shisheeye.
5. Waxaan dhisi donaa dawlad ku dhisan CADAALAD.
6. Waxaan bal qadayaa in aan soo dhawayn doona beelaha darafyada daga, kana siin doono samigooda dhabta ah .
7. Musuq maasuqa waan la dagaalamayaa.
Intaas iyo in kabadan oo wuu sheegi jiray waxay noqdeen AFKA BAARKIISA iyo nin ay dan madaxtinimo wado wax walba ku hadaaq.
Waxa nasiib daro ah, in dhamaan qodobadii wuu ku ololayn jiray Madaxwayne Ahmed mahamuud silaanyo wuu baal maray , waxa wuu noqday madaxwyne umadiisii been u sheegay , waxa wuu noqday madaxayne waxa wuu ku ololayn jiray u badalmeen dhinaca taban(negative).
1. shaqa,laan hor leh,
2. tahriib hor leh oo ka sii badan intii hore, dhalintii dalka waxa u baratay oo ku leed may badaha iyo saxaraha liibiya.
3. Qabyaalad soo jabsatay moosaska , laguna naaxiyo madaxtooyada.
4. Waxaan dhisaayaa dawlad tayo leh oo kooban , waxay isku badashay , dawlad badan oo oo bilaa tayo ah.
5. Dadka darafyada ayaan soo dhawaynayaa, waxay noqotay in la sii daadafeeyo, laguna abuuro naxli , lana tuso in lakala sad roon yahay, lana kala leeyahay dawlada iyo saami qaybsiga dawlada.
6. Musuqa iyo eexda , qaraaba kiilka intuba waa la sii kordhiyay, wax wuu ka qabtayna ma jirto.
7. cadaalad daro iyo kala sarayn, oo ah, kayga ma badalaayo?ee waxaan badalaya kiina?
Waxba yaan hadal ku daalin, dhagihii alle waaniyay ayaa waansan, ilaahay ayaa quraankiisa ku yidhi “waar balanka oofiya balanku wuu culusyahee” waxaan ku soo afmeerayaa kuna soo gunaanadayaa qoraalkayga masadii wuuu tiryay xassan daahir ismaciil(weedhsame) oo hore uga dhiidhiyay nidaamka wuu silaanyo ku wado dalka , waa mansadii la magac baxay GUNAAD.
Waxay tidhi gunaad.
Dadkoo gofanuhu ka haagay,
Wax-qabad kaagana sugaaya,
Jihayn iyo talo u gooman,
Hadduu gurgurshaa ku moodo,
Hadduu aamino goshaada,
Intuu soo guro caleemo,
Hadduu ubax kugu gedaamo,
Ha odhan wada gabi dhacleeya,
Ha odhan wada gala siyaasad,
Ha odhan wada kala go,dooma,
Ha odhan jilib jilib u goosta,
Ha odhan wada gura xashiishka,
Ha odhan guddi baan u saaray,
W/Q: A/rahiim Mohamed Elmi(ina-dhago dheere)
M/M: waxaan dhisi donaa , dawlad tayo leh , oo kooban.
Email: hirsi1994@gmail.com