|

Baarlamanka Punt land oo Wasiirka Dekedaha iyo Maaliyada Su’aalo ka Weydiiyay Kor u Kac ku Yimid Shiidaalka

Garoowe 27.June (SDN) Xildhibaanada Barlamanka Puntland ayaa maanta wasiiradda Dekadaha iyo Maaliyada wax ka waydiiyay sababta loo joojiyay shidaalkii ganacsatada reer Puntland uga imaan jiray dalka Yeman,iyadoona arintaasi ay ganacsatada qaarkood qoraal kasoo saareen.

Horaantii Sanadkan 2013 ayaa Puntland soo saartay amar joojinta shidaalka Yemen laga keeni jiray oo cabshooyin badan keenay islamarkaasina khatar ku noqday amaanka.

Fadhiga maanta oo looga hadlayay shidaalka Yeman,ayaa waxaa soo xaadiray in ka badan afartan mudane waxana shir gudoominayay gudoomiyaha Barlamanka Cabdirashiid Maxamad Xirsi.waxayna xildhibaano su’aalo kala duwan labadaasi wasiir ka waydiiyay bal inay sharaxaad cad ka bixiyaan sababta shidaalka Yeman loo mamnuucay.

Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire ayaa sheegay inay tahay arinta ugu muhiimsan ee shidaalka Yeman looga mamnuucay dhulka Puntland,arimo la xariiro amniga,wuxuna sheegay shidaalkaasi in lagu soo qaado doonyo aan munaasibad ku ahayn.

”Ganacsiga waa xor doonyaha gaarka ah laguma keeni karo shidaalka baa la yiri,sababo amaan ayaa doonyahaasi loo joojiyay,suuqa ganacsiga waa xor cid kasta ayaa keeni karta shidaalka,waxanu niri shidaalka ha lagu keeno maraakiibta waa wayn” Ayuu yiri Faarax.

Sidoo kale su’aalaha ay Barlamanka soo jeediyay waxaa ka jawaabay wasiirka dekadaha iyo gadiidka bada Puntland Mudane Siciid Maxamad Raage oo si faah faahsan xildhibaanada uga qanciyay sababta dhabta ah ee ka danbaysa in la joojiya shidaalka Yeman,taasi oo uu ku sheegay Raage wixii amaanka badaha Puntland u keenay inaysan u dulqaadan doonin oo ay joojinayaan.

Inta uu socday fadhiga maanta ayaa waxaa laga akhriyay cabasho ay ganacsatada shidaalka soo gudbiyeen,iyo waliba warqada kale oo ay ku qoran tahay sababta loo mamnuucay shidaalka Yeman.

Shidaalka Yemen ayaa dhibaatooyin u gaystay ganacsiga Puntland ,waxana hoos u dhacay doonyihii iyo marakiibti ka soo bixi jirtay dalka imaraadka oo dhankeeda saamaysay dhaqdhaqaaqii Dekeda magaalda Bossaso.

Garoowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed