“Maaha In Beesha Gabooye Lamidab Takooro Oo Layaso Waa In Xukunka Dalka Waxa Laga Siiyo Beesha Gabooye” Prof Samatar
Hargaysa 27.June (SDN) Aqoonyahanka Reer Somaliland Proffosor Axmed Ismaaciil samatar oo weli ku dhex jira kulamadiisii uu la yeelanayey qaybaha bulshada Somaliland ayaa maanta booqday xaafadda DAAMi ee ee magaalada Hargaysa, halkaana waxaa ku soo dhoweeyey salaadiinta, waxgaradka iyo dhamaan dadweynaha xaafadaasi.
Munaasabad kooban oo loo qabtay Proffosor-ka ayaa Abwaanka caanka ah ee Baarleex waxa uu ku soo bandhigay suugaan ka turjumaysa ammaanta uu Qaranka Somaliland iyo Beesha Degta Xaafadaasba uu ka mudan yahay Proffosor Samatar.
Boqor Axmed Iimaan warsame oo ah Boqorka Beelaha la hayb sooco ayaa isna munaasabadaasi uga soo jeediyey xukuumadda inay sii waddo wax ka qabshada baahiyaha aasaasiga ah ee xaafadda waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo ammaanka.
Barkhad Jaamac Xirsi oo ah la taliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada iyo Suldaan Nadiif jabriil oo isna ka tirsan salaadiinta xaafadda DAAMNi ayaa talaabo muhiim ah ku tilmaamay booqashada proffosorka ee xaafadaasi.
Proffosor samatar ayaa u soo jeediyey dadweynaha xaafadda DAAMI inay isku duubnaadaan, wada tashina ka yeeshaan arimaha iyaga xaafad ahaan taabanaya, taasina ay tahay dariiqada ay ku bilaabi karaan qorshayaashooda nololeed,Prof Waxa uu u soo Jeediyay Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo inay Saami u Qalma uu ka siiyo Beesha Gabooye Golihiisa Xukuumada “Maaha In Beesha Gabooye Lamidab Takooro Oo Layaso Waa In Xukunka Dalka Waxa Laga Siiyo Beesha Gabooye,Dawlada Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo Hogaaminayana Waxaan ka dalban lahaa inay Saami u Qalma beesha Gabooye uu dawladiisa ka siiyo” ayuu Yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar.
Munaasabadaasi waxaa kaloo goobjoog ka ahaa salaadiin ay ka mid ahaayeen Suldaan daakir xasan Khaliif iyo Suldaan Abu Sufyaan oo labadooduba ka tirsan xaafadda DAAMI ee magaalada hargaysa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com