Ciidamada Kiinya oo Qarax Kismaayo lagu la beegsaday
Kismaayo June 27,2013(SDN)-Ciidamada dalka Kiinya ee kolkii hore iskood u galay dalka Soomaaliya kolkii danbana ku biiray kuwa AMISOM ayaa maanta gaadhi ay ku dhex wateen magaalada Kismaayo Qarax haleelay.
Qaraxa ka dib oo ay ciidamadu halkaa rasaas ka rideen ayaane jirin cid ku sii hakatay goobta oo ka warta sida ay wax u dheceen.
Sidoo kale qaraxa ayaan AMISOM weli ka bixin wax xog ah oo ku saabsan khasaarihii uu u geystay ciidamadooda.
Qaraxan maanta Kismaayo ka dhacay ayaa daba socday weerar madaafiic ah oo xalay jiifka u diiday ciidamada Kiinya ee ku sugan madaarka magaaladaasi.
Xaalada Kismaayo ayaa ah mid colaad sug ah ka dib dhinacyada kala sheegta in ay yihiin hogaanka Jubaland oo shalay iyaguna halkaa ku dagaalamay.
Waxaana la dareemayaa in ay dhici kareyso in dagaal kale ay isku wejahaan maleeshiidka kala taabacsan garabyada kala sheegtay jubaland.
Inkasta oo jireen warar saaka tibaaxayay in mar kale saaka ay dagaalameen ciidamada Bare Hiiraale iyo kuwa Axmed Madooba hadana weli ma ay soo bixin wax faah faahin ah oo arinkaa ku saabsan.
SDN-Kismaayo
contact@somalidiasporanews.com