Madaaafiic Xalay lagu Garaacay Garoonka Duyuuradaha Kismaayo
Kismaayo June 27,2013(SDN)-Habeenimadii xalay ayaa la maqlayay madaafiic lala dhacayo gegidada duyuuradaha ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Gegida Duyuuradaha ee Kismaayo ayaa saldhig u ah ciidamada dalka Kiinya ee ka midka ah kuwa AMISOM.
Ilaa iyo haatan ma cada cida ka danbeyay weerarka balase dadka degaanka ayaa sheegay in weerarku ka yimi kooxda Al Shabaab.
Ciidamada Kiinya ee degan Madaarka ayaa jawaab madaafiic ah ka bixiyay weerarka lagu qaaday xalay.
Ma cada khasaaraha ay sababeen madaafiicdan xalay la isku weydaarsaday magaalada Kismaayo.
Ma jirto cid ka mid ah labada dhan ee isweeraray oo ka hadashay dhacdadii xalay argegaxa ku riday dadka reer Kismaayo.
Weerarkan xalay ayaa yimi xili ay galabnimadii bartanka magaalada ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Bare Hiiraale.
SDN-Kismaayo
contact@somalidiasporanews.com