Mandela oo Geeri Qarka u Saaran iyo madaxweyne Jacob Zuma oo safar ka baaqday
Pretoria June 27,2013(SDN)-Madaxweynihii hore ee dalka Konfur Africa Nelson Mandela ayaa xaaladiisa caafimaad lagu micneeyay Halis ka dib 20 cisho oo uu caafimaad ku jiray.
Dareenka ehelka iyo madaxda dalkaasi ayaa muujinaya in haatan ay xaaladu u muuqato in Mandela aanu xanuunkan ka keceyn.
Mandela ayaa haatan ku jira xaalad aanu iskii u neefsan kareyn isla markaana miyir doorsoon.
Madaxweynaha Dalaka Konfur Africa Jacob Zuma oo lagu waday in uu maanta u dhoofo dalka ay jaarka yihiin ee Mozambique ayaa negaaday.
Waxaanu goaankiisa u nisbeeyay xaalada caafimaad ee Nelson Mandela ee ka sii dareysa maalinba maalinta ka danbeysa.
Dalka Konfur Africa ayaa haatan galay xaalad baroordiiq ah oo ay dib ugu milicsanayaan waxa uu halyeygani uga dhigan yahay dalkaasi.
SDN-Pretoria
contact@somalidiasporanews.com