|

Ciidamada Qaranka Afgaanistaan oo Sugida Amniga kala wareegay NATO

Kabul June 19,2013(SDN)-Ciidamada dalka Afgaanistaan ayaa haatan si guud ula wareegay sugida amniga dalkaas oo ay hore gacanta ugu hayeen huwanta NATO.

Talaabadan oo si weyn ay u soo dhaweeyeen dalalka ciidamadoodu mudada ku sugnaayeen ayaa waxa rejo ka muujiyay madaxda dalkasi.

Madaxweynah Afgaanistaan Xamid Karzi ayaa saxaafada u sheegay in haatan la gaaray xiligii ay reer Afgaanistaan isku tashan lahaayeen.

Ciidamada iyo Madaxda huwanta NATO ayaa siyaao kala duwan u soo dhaweeyay tilaabadan muhiimka ah ee ay Afgaanistaan qaaday.

Ciidamada hawlgalada halkaa u joogay ayaa soo dhaweeyay tilaabadan,halka kuwa dalkaa ku sii negaanaya ee tababarada siinaya ciidamada Afgaanistaan ayaa walaac ku soo dhaweeyay goaankan.

Ciidamada u badan ee NATO ee Afgaanistaan lagu dilo ayaa u badan qaar ay toogtaan askarta tababrka loo fidinayo.

Si kastaba ha ahaatee xaaladan ayaa ku keeneysa isbedel muuqda habka reer Afgaanistaan ay u maareeyaan marxaladaha dalkooda ka jira.

SDN-Kabul

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed