|

Ururka Ssuk ma lagu Amini karaa Masuuliyad Danbe?

Ururka Ssuk ma lagu Amini karaa Masuuliyad Danbe?

Hore ayaa loo yidhi halka ay dacado macal uga barato ayeey macaluul ugu bakhtidaa

 

Marka hore waxaan salaan u dirayaa dhamaan shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba. Mid taasi oo kale la mid ah waxaan hawada u soo marinayaa bahda saxaafada meelkasta oo ay ka joogan dunida dacaladeeda.

Waxaan Maanta Qalinka u Qaatey in aan  Qoraalkan idiin soo Gudbiyo ,Markii aan arkey dad badan oo Mareegaha iyo War Sidayasha ku soo badhgiya xaflado ay kaga faaiiday sanayan shicibka reer Somaliland maalmaha Gadarinta iyo sharafta mudan ee 18/5/13 iyo 26/6/13 ,markaa waxaan isku dayaaya in aan wax ka idhahdo arintaasi.

Ummad Somaliland waxaay ku faantaa oo ay ku dhaqanta Diintooda iyo Dhagaankood suuban ,Inagu hadaynu nahay Somali dad ahaan waxaaynu nahay dad Islama 100% Dhinaca kalena waxaaynu leenahay Dhaqaan fiican oo soo jireen ah,oo aynu kaga fiicanahay dadka kale ee afka somaliga ku hadla.

Hadaba sida Qoralkayga sare ku suntan waxaan la hadlayaa dadka caadeystey in ay munaa sabadaha ama xafladaha Somaliland dhuuni ka raadiyaan iyaga oo dadka been u sheegaya .markastana yidhaa baahi ka jirta dalkii hooyo ee Somaliland ayaanu ku dabooleynaa  sida dhakhtarka ,dab damidyaal iyo xarumaha agoomaha ama danyarta lagu xanaaneeyo.

Aniga oo la hadlaya qurbe-jooga reer Somaliland ee Uk waxaan u soo jeedin lahaa maalinta 26/6/13 waa maalin ku  suntan baal dahab ahna kaga jirta taariikhda Somaliland ,maalin la dhayal sadana maaha waa maalintii aynu xornimadeena ka qadaney gumeystihii ingiriska 26/6/1960.

Hadaba maalintani waxaay inaga mudan tahay in aynu si weyn u qadarimo oo aynu shucurteena wadanimo ku muujino si dawladaha inala jaarka ahi u ogaadan sidey muhiin inoogu tahay maalintani,waxaa loo baahan yahay in aynu tusno dalkan aynu joogno ee Uk 26 june kasta dhaqankeena iyo Hidaheena ,waxaa kale oo qurux badan in aynu banaanbax ku muujino maalinta dhamaan dalka yurub ee bulsha weynta reer Somaliland ku nool yihiin sidii xafladii 18/may/12 sanadkii hore oo loo wada guntado shicibka Somaliland meelkasta oo uu joogo.

 

Waxaa jirta xaflado la soo wado Habeenimada 26/6/13 dalkan Uk oo dad dan-gaara wataa ay soo abaabulayaan sidii xafladii 18/may/13 iyaga oo dadka u sheegaya in xaflada 26 june 13 lacagta ka soo baxdana wax loogu qabanayo shicibka reer Somaliland ee dalkii ku dhibateysan ,arinkaasi oo aan sal iyo raadtoona laheen ,dadkaasina iyagu lacagta ka uruursanaya dadka aaney cidna waxba ugu qabaneen.

 

Sanadkii hore  ururka SSUK ayaa ahaa kuwii dadka lacagta ka urursadey £20  qof walba iyaga oo dadka ugu sheegey in ay dhakhtarka hargeysa u dirayaan ilaa hadana aan la heeyn.lacagtii ,cid xisabisey iyo cid weydiisey aaney jirin.

 

Ururada u ololeya Somaliland waxaan ka codsanayaa in ay ka foojignadan dadkaa sida foosha xun u socda ee lacagta ummada ku mamey,dadkana waxaan ka wacyi galiyaa in ay iska ilaaliyaan ururada beenta ku shqeysta sida SSUK iyo Qurbeoog.

Waxaa khalad ah oo ceeb ku ah in nin sheeganaya  masuul  qaran wakiilka Somaliland uk cali adan cawaale oo soo abaabuley xafladii 18/5/13 ee london ka dhacdey uu soo bandhigi kari waayey lacagtii laga soo ururiyey bulsha weynta reer Somaliland ee uk ,lacagta soo xarootey oo cadadkeedu dhameed  £26.500 giniga istarlinka ah ,oo uu cadeen waayey halka ay ku baxdey iyo sida loo isticmaley.

Waxaa kale oo dadku aad iyo aad ula yaabeen doodi uu soo abaabuley Tv-ga Qaranka Somaliland (madasha qurbaha) inuu ka baxay wakiilka cali adan cawaale  studio markii uu ogadey in laga doodayo xafladii 18 may 13 ee London maxaa faa’iido ah ee u soo kordhey somaliland  ayaa waxaa uu u qaatey in la weydiinayo lacagtii ka soo baxdey xafladii  18 may ee London ka dhacdey .

 

Waxaa kale oo aad ka  war hayseen fadeexadii ugu xumeed ee abid soo marta xafiiska Wakiilka Somaliland ee UK  iyo Ururka  SSUK  oo dul  hogeneysa sidii ay u maamuleen lacagtii laga soo ururiyey dadweynaha reer Somaliland ee ku nool dalkan uk xafladii 18 may oo ilaa hadda aan la heeyn lacagtaas oo dhameed £26.500  oo ah giniga istarlinka.Markii ay dhalinyaradii ka codsadeen in la xisaabiyo lacagtii soo baxdey iyo halkey martey waxaay ugu jawaabeen odayaal ayaa gacanta ku haya arinkaasi oo aaney wax ka jiraa jirin.arinkaas gunadii yareed ee laga soo ururiyey xafladii 18/may/13 oo la heeyn ayaa waxaan la yaabey iyaga oo Email ku soo bandhigey in ay doonayaan in ay abaabulan xaflada 26/6/13 ee inagu soo fool leh,Arinkasina waxaa soo jeediyey Gudoomiye isku sheega SSUK Cabdale Saliim oo masuul ka ahaa lacagtii la lunsadey xafladii 18/may/13 ee sida foosha xun u dhacdey.

 

 

Bal Nala Eeg Emailkan

 

 

From: mohamed_taag <mohamed_taag@hotmail.com>
To: nagib osman <nagib88@hotmail.co.uk>; Somaliland Mission UK <slmissionuk@gmail.com>; Yussuf Ahmed <hhersi92@gmail.com> 
Cc: iiman208 <iiman208@hotmail.com>; Eqbal Farah <eqbalfarah@hotmail.com>; Saynab Haji Gaydh <ifrahyonis@hotmail.com>; Abdalla Salim <barwaaqosoor@yahoo.co.uk>; Ahmed Kadleye <ahmed-kadleye@live.co.uk>; Amran Bile <amranfatuma@hotmail.com>; Amal Deria <amalderia@hotmail.com>; "mohamedboss66@gmail.com" <mohamedboss66@gmail.com>; "ugaas.harun@live.co.uk" <ugaas.harun@live.co.uk>; "zeinab27@hotmail.com" <zeinab27@hotmail.com>; abdirahman mohammed <abdirahman.mohammed@yahoo.co.uk>; BEELA DAAJIYE <faysalburco@gmail.com>; safi farah <safifarah@hotmail.com> 
Sent: Sunday, 16 June 2013, 9:33
Subject: Re: Balantii lacag wareejinta



Ascw,

Waan idin salaamey dhamantiin hawshana si fiican ayaad u wadaan.

Arrinkale ayaa jira oo inagu haboon inaynu si deg deg ah u guda galno, kaasoo ah
26ka June inaynu atleast isugu nimaadno meel ( Casho pay as you go ah ) oo aynu
bilawno diiwaan galinta magacyada ka soo qayb geli doonta. Dad gaadhaya ilaa
60 – 80 waynu isugu iman karnaa, xaflad wanaagsan way noqon kartaa. Waxaan
xidhiidh telefoonka ah la sameeyay Iiman, Harun, Ahmed kadleye. Fikrada ah inaynu
isugu nimaadno casho aynu ku xusayno 26ka June way taageereen. Waxaynu u
baahanahay inaynu isweydaarsano fikradaha oo aynu meel isla dhigno labadan maalmood
gudahooda.

Wa billaahi tawfiiq,
Abdalla Saalim

 

 

Wariye

Abdiqadir Jilaane

udoode@hotmail.co.uk

Comments are closed