|

Shir lagu darsayo Waxyaabaha laga baran karo dalalka kala Go’a oo Jaamacada Hargaysa lagu soo Gabo gabeeyay

Hargaysa 18.June (SDN)  Labo Aqoonyahan oo u dhashay Dalkan JSL ayaa maanta ka hadlay shirkii heer gobo lee ay soo qabanqaabisay kulliyadda xalinta khilaafaadka ee jaamacadda Hargaysa oo manta ku soo gebabeboobay xarunta Somaliland ee Hargaysa kaasoo ku saabsanaa waxyaabaha laga faa’iidi karo dalalka kala go’a.

Md Maxamed Cabdi Daa’uud Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodijeex iyo Dhiinka kulliyadda Xalinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargaysa Prof: Aadan Xaaji Cali ayaa uga waramay Shabakada Qurbejoog.com qorshayaashii lagaga hadlay shirkaasi iyo waxyaabaha barashadooda laga faa’iiday dalalkii kala go’ay ee mandaqadda geeska Afrika.

Md Maxamed Cabdi Daa’uud oo ka hadlayey arimahaasi waxa uu sheegay in mudadii labada maalmood ahayd ee uu shirkani socday ay labada wadan ee Sudan iyo jamhuuriyada K/Sudan ku soo bandhigeen waxyaabaha ay weli ku muransan yihiin ee had iyo jeer dhibaatooyinka ka abuura dhexdooda, waxyaabahaas oo ay ugu weyn tahay xuduuda labada dal oo aan weli la kala calaamadin, iyadoo mandaqadda xuduuda labada dal ay tahay deegaanada ugu qanisan ee uu kheyraadku ku jiro.

Md Daa’uud oo ka hadlayey waxyaabaha uu Shirkaasi ku soo kordhin karo Somaliland ayaa sheegay in ka soo qayb galayaashu ay Somaliland ka  faa’iidaysan karaan sida wax loo dhiso xiliga kala Go’a ka bacdi, Somaliland-na dhankeeda ay ka faa’iidaysan karto waddooyinka loo maro kala Go’a, wadadaas oo ah tii ay soo mareen dalal ay ka mid yahiin Ereteria iyo K/Suudaan.

Dhiinka kuliyadda Xalinta khilaafaadka ee jaamacadda Hargaysa Prof Aadan Xaaji Cali oo kulliyadiisu soo qabanqaabisay shirkan ayaa isna dhankiisa sheegay in dhinacyadii ka soo qayb galay shirku ay ka korodhsadeen Somaliland sida dawlad loo dhiso, loo abuuro hanaan dimuqraadi ah oo dhamaystiran, isla markaana la isu waafajiyo dhismaha dawladeed iyo hanaanka qabaliga ee wax loo qaybsan karo.

 

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed