Wasaaradda Duulista Somaliland oo ka hadashay Diyaarad Rakaab siday oo laga celiyay Madaarka Hargeysa
Hargeysa June, 18 2013 (SDN)- Diyaarad rakaab siday oo ka timi magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Salaasa ah laga celiyay Madaarka magaalada Hargeysa, kadib markii ay sidaas amreen masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland.
Tan iyo markii masuuliyiinta Somaliland horaantii bishii hore ay shaaciyeen inay joojiyeen diyaaraddaha Qaramada Midoobay inay soo fadhiistaan, kana duulaan madaarada Somaliland, kadib khilaaf soo kala dhexgalay Somaliland, UNDP, ICAO iyo dawladda Soomaaliya, waa diyaaraddii koowaad ee laga celiyo madaarada dalka.
Inkastoo aan la sheegin magaca ay sidatay diyaaraddaasi, haddana war-murtiyeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Duulista Somaliland, waxa lagu sheegay in diyaaraddaas la celiyay markii la ogaaday inay ogolaansho ka haysato dawladda Soomaaliya.
War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexnaa Madaxa Baratakoolka wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Mr. Cabdillaahi Axmed Caarshe, wuxuu u dhignaa sidan; “Xukuumadda Somaliland waxay hawadeeda ka eridey diyaaradii ugu horeysay ee ogolaanshiiyo ka soo qaadada magaalada Muqdisho ee dalka Somalia ee aynu jaarka nahay, diyaaradan nooceedu ahaa SS34 ayaa isku dayday in subixii hore ee saaka ay ka soo degto garoonka caalamiga ah ee Igal International Airport, balse markii uu tower-ka Somaliland ogaaday in ay hawada Somaliland ay soo gashay diyaarad Permission ka haysato Muqdisho, ayay masuuliyiinta Wasaarada Duulista Hawadu ku amreen in ay ka baxdo hawada Somaliland, Somaliland Air space.
Hadaba waxaanu halkan ku cadaynaynaa in dowladda Somaliland ay awood buuxda u leedahay in ay control adag ku samaysa haweeda, Permission ama ogolaansho laga soo qaatay magaalada Muqdishona aanay diyaarada sidadaa soo geli Karin hawada Somaliland soona fadhiisan Karin garoomada jamhuuriyada Somaliland.
Somaliland waxay leedahay xuduudo hawo iyo kuwo dhuleed oo u gaar ah kuna qotonta qaranimada iyo madax bannaanida Somaliland, sidaa darteedna aanay Somaliland cidnaba aanay ka aqbalayn in ay hawadeeda ku soo xadgudbaan diyaarado aan fasax ka haysan dowladda Somaliland, gaarana ahaana Wasaarada Duulista Hawada oo xukuumadda madaxweyne Axmed Siillaanyo ugu wakiil ah arrimaha duulimaadyada iyo ilaalinta hawada Somaliland.
Waxaanu u sheegaynaa kuwa ku riyoonaya in permission laga bixiyey magaalada muqdisho lagaga degayo Somaliland, ay tahay riyo been ah ayna ku cimro qaataan tan maanta Somaliland hawadeeda kaga eridey diyaarada muqdisho ka soo qaadatay ogolaanshiiyaha beenta ah.”
Qurbejoog.com, Hargeysa