Xisbiga Kulmiye laantiisa Uk ayaa soo qaban qabisey Xaflad soo dhawayna iyo dardar galinta Xisbiga Kulmiye
London 18Jun13 (SDN)Xisbiga Kulmiye ayaa waxa u ku qabsaday ku qabsaday Magalada London Xafladan oo uu soo qaban qaabiyay guddoomiyaha kulmiye ee laamaha Ingirska waxaana ka Soo qeb galay guddoomiyaha koobaad Mudane Mohamed Kaahinoo boqasha ku joga Uk , wasiir ku xigeenkii hore ee Arrimaha debedda Mohamed Yoonis, guddoomiye xiriirka UK xirsi Aadan , salaadiin, cuqaal iyo madax kale oo fara badan.
Waxaana looga hadlay xafladas sidii loo dardar gelin lahaa xisbiga ; dhanka doorashooyinka soo socda.
Mohamed Kaahin guddoomiye kuxigeenka koobaad ee KULMIYE ayaa kulanka xaflad hadal aad u dheer ka soo jeediyay oo uu kaga hadlayay dardar gelinta iyo xogwaranka xisbiga isagoo sheegay in uu shirweynahoodii dib loo dhigay kaasi oo kusoo beegmay doorashooyinkii golaha deegaanka ee dhawaan wadanka ka qabsoomay .
Si kastaba ha ahaatee guddoomiye ku xigeenku waxa uu yiri waxa laqabanayaa bisha December 25keeda waxa uuna intaasi sii raaciyay u diyaar garoobidda gudiga qabanqaabada sidii loo sii dhisi lahaa waxa uuna xusay in uu ka dhici doono gudaha dalka, kulankani oo ahaa xog wareysi.
qurbejoog.com
uk london