|

Madaxtooyada Soomaaliya oo markale Hoobiyeyaal lagu garaacay xalay

Muqdisho June 17,2013(SDN)-Xarunta madaxtooyada Soomaliya ee Villa Somalia ayaa xalay la maqlayay tiyoo lala beegsaday madaafiic markii labaad mudo dhawr todobaad ah.

Tirada Gantaalada ku dhacay xarunta Villa Somalia ayaa lagu sheegey in ay ahaayeen ilaa lix gantaal oo nuuca hoobiyaha loo yaqaano ah.

Gantaalada lagu tuuray Madaxtooyada ayaa intaa ka badnaa balse waxa la xaqiijiyay in madaafiicdu intooda badneyd ay ku dheceen xaafadaha jaarka la ah Villa Somalia.

Ciidamada amaanka ayaa durba maanta bilaabay hawlgalo ay ku baarayaan goobihii laga soo riday hobiyeyaashii xalay lala beegsaday Madaxtooyada.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay weerarnkan u danbeeyay ee lala beegsaday aqalka madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaan weli jirin cid ama koox sheegatay werarka lala beegsaday xarunta Villa Somalia.

Waxaana weerarkani uu ku soo beegmayaa xili uu madaxweynaha Soomaaliya dalka Britain safar ugu maqan yahay.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed