Snowden:Britain waxa ay Basaastay Madax Dalkeeda uga Qeyb Gashay shirarkii G20
London June 17,2013(SDN)-Jariirada The Guardian ee ka soo baxda dalka Britain ayaa daabacday xog ay ka soo xigatay Edward Snowden oo tibaaxeysa in Britain ay basaastay madax dalkaa uga qeyb gashay shirar dalkaa lagu qabtay ururka G20.
Snowden oo ah sarkaal hore ugu shaqeyn jiray Hay’ada NSA ee Mareykanka oo shaaciyay xogta ah in Marekanku dhegeysto shicibkiisa ayaa haatan shaaciyay in Britain madaxda dalkeeda booqda ay basaasto.
Arintan ayaa ku soo beegmeysa xili mar kale ay Britain iminka marti gelineyso shirka Ururka G8 ee ay ku bahoobeen sideeda dal ee dunida ugu horumarsan.
Hay’ada GCHQ ee Britain ayaa la soo bandhigay cadymo ay ku jabsatay telephonada wasaarada arrimaha dibedda ee Konfur Africa iyo wefdi 2009kii Turkiga uga qeybgalay shirkii G20 ee lagu qabtay Britain.
Arintan haatan la shaaciyay ayaa keeneysa kala shaki ka dhex abuurma madaxda G8 iyo dawlada Britain ee marti gelineysa.
Dawlada Britian ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho eedan loo soo jeediyay ee muujineysa in ay basaasaan madaxda dalkooda Booqata.
SDN-London