Xildhibaano Soomaali ah oo Lagu weeraray magaalada Nairobi
Nairobi June 17,2013(SDN)-Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana hore u soo ahaa Wasiiro ka tirsanaa dawladihii KMG ahaa ayaa xalay rag hubeysani ku weerareen Hotel ay ka degenaayeen magaalada Nairobi.
Xildhibaan Cabdulahi Goodax Bare oo hore u ahaa Wasiirkii Qorsheynta ee dawladii Sheekh Shariif iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh oo qudhiisu ahaa wasiirkii Dastuurka ee Sheeq Shariif ayaa labadaba la weeraray.
Raga Hubeysan ee xalay u dhacay Hotelka ay Xildhibaanadani ku jireen ayaa qaatay qalab ay ka mid ahaayeen Computaro iyo telephono.
Xildhibaanada ayaa u sheegay Saxaafada in ragan hubeysani ay damceen in xitaa ay afduubtaan balse taasi aaney suurto gelin.
Xildhibaanadan ayaa dhawr cisho ka hor isla Nairobi ku qabtay shir ay ka qeybgaleen xubno ka socda beesha caalamka oo ay uga hadleen arimaha Jubooyinka.
Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee dawlada Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi u taga hawlo shaqo iyo nasashaba isugu jira.
Waxaaney mararka qaar kala kulmaan dhibaatooyin amaan iyo kuwo socdaalba.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com