Gudoonka Waxbarashada ee Gobolka Hawd oo ka Warbixiyay Hanaanka Imtixaanaadka Shahaadiga ah
Bali Gubadle 16.June (SDN) Gudomiyaha Waxbarashada Gobolka Hawd Maxamed sheikh Axmed ,ayaa sheegay In ilaa hadda uu maalintii labaad si wanaagsan uga socdo Imtixaanka shahaaditga ee fasalada sideed ee dugsiyada dhexe iyo fasalada afraad ee dugsiyada Sare goobaha imtixaanka ee Gobolka, waxaanuu xusay in ilaa hadda howsha imtixaanku ay si wanaagsan ugu socdaan wax caqabad ah oo la soo dersayna aanay jirin.
Gudoomiyaha Gobolka Waxbarashada Gobolka Hawd Maxamed sheikh Axmed, oo u waramayey Shabakada Qurbejoog.com waxa uu tilmaamay in uu si weyn ugu mahad naqayo Hawl-wadeenada imtixaan qaadista ee ka howl galay Goobaha imtixaanada ee Gobolka.waxaanuu intaa raaciyey in ardayda imtixaanka u fadhiistay ee Degmada Salaxlay iyo Bali-gubadle ay dhan yihiin wadartooda Guud ee fasalada afraad iyo fasalada sideed Boqol iyo Laba arday.
Kuwaasi oo uu sheegay in si aad wanaagsan ay howsha imtixaan qaadista u gudanayaan., isaga oo intaa raaciyey in aanay jirin ilaa hadda wax caqabad ah oo howsha imtixaan qaadista la soo dersay.
Ugu Danbayntii Gudoomiyuhu waxa uu u raJeeyey ardayda imtixaanka u fadhiistay inay guul ka gaadhi doonaan imtixaanka, isaga sidoo kale mahad-naq iyo hanbalyo ujeediyey Masuuliyiuinta Wasaarada,gaar ahaana xarunta imtixaanaadku sida wanaagsan ee ay u diyaarisay una tabaabushaysay howsha imtixaan qaadista dalka.
Bali Gubadle SDN.
Qurbejoog.com