|

Masar oo Xidhiidhka u Jartay Wadanka Suuriya Sheegtayna inay Caawinayso Shacabka Suuriya

Qaahira 16.June (SDN) Madaxweynaha dalka Masar  maxamed Mursi ayaa  sheegay inuu dalkiisu go’aansaday inay cilaaqaadka ujaraan maamulka  dalka suuriya,hase ahaatee masar ay sii wadayso taageerada shacbiga suuriya ilaa inta ay xuquuqdooda ka helayaan.

Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi waxa kale oo uu ugu baaqay ururka Xisbulaahi ee dalka Lubnaan inay joojiyaan fara gelinta  dagaalka  Gudaha dalka suuriya ,farahana ay kala baxaan.

Waxaanuu madaxweynaha masar ka sheegay  shir lagaga hadlayey taageerda suuriya oo ku qabsoomay magaalada Qaahira, waxa uu  sheegay inaanu taageersanayn in  cudud milateri  lagu raadiyo xalka  dhibaatada  ka taagan dalka suuriya.

Madaxweynaha dalka masar Muxamed Mursi waxa uu ugu baaqay Golaha amaanka Qaramada midoobay in  dalka suuriya  xayiraad  dhinaca cirka lagu soo rogo.

Qaahira SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed