Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo Si adag u Naqdiyay Talaabada ay Xukuumadu ku Xayirtay Wargayska Hubaal {DHAGAYSO}
Hargaysa 16.June (SDN) Ururka Suxufiyiinta ee Solja ayaa maanta Si adag u Canbaareeyay Falkii lagu Xayiray Wargayska Hubaal oo ka mid ahaa Warsidayaasha Madaxa Banaan ee ka Soo baxa Caasimada dalka ee Hargaysa .
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Xasan Maxamed Yuusuf oo Shir jaraa’id ku qabtay Caasimada Hargaysa ayaa Sheegay in talaabada lagu xayiray Wargayska Hubaal ay tahay Mid baal marsan Sharciga Saxaafada ee Somaliland waxaanu Xusay in Markii Hore Cida ay Saxaafada is hayeen ay ahaayeen Xukuumada hasa yeeshee ay Hada Waaxdii Garsoorka ee marka Khilaaf yimaado ay isula tagi jireen ay arrintan Gacanta ku hayaan.
Gudoomiyaha Ururka Solja Waxa uu Intaas ku daray inaanay ka Hordhacayn arrinta lagu haysto Wargayska Hubaal ee ay ka dhur sugayaan Natiijada Maxkamada inkasta oo uu hoosta ka xariiqay inay ka soo horjeedaan in dacwada Wargayska loo haysto loo maro Sharciga Ciqaabta Guud waxaanu intaas ku ladhay inaan weli la hayn meel ay Jaan iyo Cidhib dhigtay Gabood falkii lagula kacay Wargayska Hubaal ee lagu weeraray Xaruntooda.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/HubaalSolja(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com