|

Marwada Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb gashay Xuska Maalinta Caruurta Afrika

Hargaysa 16.June (SDN)  Xaflad Lagu xusayey maalinta Caruurta afrika ,kana soo qayb galeen Marwada  Madaxweynaha JSLand Marwo Aamina-Weris sh.Maxamed Jirde, Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshadav  Mud,Maxamud Bare Garaad,iyo masuuliyiin ka kala socday  Hay’ada Wadaniga ah iyo Kuwa caalamiga ah ayaa maanta Lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Marwada   Madaxweynaha Marwo Aamina-weris sh.maxamed Jirde  oo halkaasi ka hadashay  ayaa waxa ay  ugu horayn halkaasi  mahad celin uga soo jeedisay wasiirka wasaarada shaqada iyo aruimaha Bulshada iyo wasaarada wax-barashad iyo hay’adaha kale ee wadinaga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka qayb qaatay howshan. Waxaanay Marwo Aamina si  weyn uga hadashay xuquuqda  dhalinyarada  iyo doorka ay dalkan kaga jiraan, waxaanay til-maamtay in dhalin yaradu ay tahay xoogii  iyo tiir dhexaadkii dalkan ee jiritaankiisu ku tiirsan  yahay.

Marwo Aamina waxa ay sheegtay in  ay waajib tahay in dawlad iyo shacabba inaynu inaga oo isku duuban  aynu ka shaqaynu sidii aynu dhalinteena  mustaqbal ugu samayn lahayn. Waxaanay intaa raacisay in dhalin yarada iyo caruurta  yar-yari ay yihiin mustaqbalkii dalkeena  waajibna ay tahay inaynu mustaqbalkooda ka shaqayno.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay wasiirka  shaqada iyo arimaha Bulshada Maxamud  Barre Garaad,Waxaanuu ka waramay sababta ay ku timid  in maalinta 16 June loo asteeyo inay noqoto maalinta caruurta afruika, waxaanuu sheegay in ay ku timid caruur  xuquuqdooda u mudaharaaday 1967-kii  dalkaasi Konfur afrika oo dabadeed la xasuuqay.

Wasiirku waxa uu si qoto dheer uga hadlay xuquuqda iyo xaqa  ay Ummad waliba u leedahay inay aayaheeda ka tashato, la soo noqoshada Xoriyadeeda Somaliland  la soo noqotay 1991-kii Waxa ay  tahay mid  ku aroorta xuquuqda ay shucuubta aduunku u leeyihiin aaya ka tashigooda.taasi oo uu ina siiyey Inaynu Aayaheena ka tashano Ax-diga Qaramada midoobay  ee xuquuqda aaya ka tashiga.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed