|

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay raysul wasaaraha Britain David Cameron

London 16Jun13(SDN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay raysul wasaaraha Britain David Cameron, isagoo sidoo kale ka qeybgalay xafladda dhalashada Boqoradda Ingiriiska, Queen Elizabeth II oo madaxweynaha lagu casuumay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey raysul wasaaraha Britain David Cameron casuumaadda uu u fidiyay iyo sida uu arrimaha Soomaaliya u danaynayo.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, horumarka ballaaran ee dhanka siyaasadda iyo amniga ee dalka Soomaaliya iyo sidii dib loogu dhisi lahaa waddanka.
Madaxweynaha soomaaliya ayaa lagu casuumay inuu ka qeyb galo shirka waddamada warshadaha ku horumaray ee G8 la isku yiraahdo.

qurbejoog.com

Xafiiska Wararka London

Comments are closed