LAACA ARAGTEE LAAGA MA OGTAHEY (Sideebay Somaliland uga badbaadi kartaa Duufaanada Siyaasadeed ee inagu soo foolle? Qalinkii Liibaan Xaaji Fagadhe
BAD WAXA MARA BARIGA WAX JIRIYO BUURO DABADOODA
IN BOGLIYO IN BAABACO DHIGTIYO BAALKA LAGU DUULO
BUSHIMO NOOL ALLAHA QUUDIYOW BOQORKAYOW HEEDHE
Murtidii Abwaan (Cabdi Iidaan) Alle naxariistii jano haka waraabiyee
Hiirdanka wabiga Niilka hoosaasinta dowladaa Carabta hiilka siyaasadeysan ee Boqortooyada Sucuudiga iyo hurgufka ay rabaan reer Galbeedku halka loo danleeyey ma ciideydeena Hooyaa.
Waxa akhriste aad indhaweydba dhagihiina ku soo dhacaayey oo aad maqleyseen arinta cakiran ee biyaha wabiga Niilka oo ay isku heystaan Masar iyo Ethopia balse arintani labadooda oo kaliya maaha ee dowlado kale oo ka fog ayaa isku heysta .
Dawladahaasi waxay kala taageersanyiin oo ay ugu horeeyaan dowlado badan oo African ah kana midyihiin wadamada kulaala Haradaweyn ee Figtooriya oo qeyb wabiga Niilka kamidina biyihiisu ka soo qulqulaan kana miyihiin (Kiiniya,Ugaandha,Tansaaniya,Malaawi,South sodaan …..) kuwaas oo taageeraya dowlada Ethopia oo ah inlawada munaafacsado lagana faa ideysto baiyaha wabiga Niilka.
Dhanka kale waxa iyaguna si badheedha utaageersan qadiyada Masar dowladaha carabta oo dhan ama Africada waqooyi ha noqdaan ama ku Qaarada Aasiya.
Waxa iyana meesha taagan khilaafkii soo jireenka ahaa ee dhex yaaley Carabta iyo Israel oo ay rabto una aragtey in dowlada Masar ay tahey takaliya ee khatar galin karta jiritaankeeda maadaama ay burbureen labadii ay iska ilaalinaysey ee kale sida Ciraaq iyo Suuriyadan maanta ololeysa sidaasi darted hadiiba ay labadan dowladood uu dhexmaro loolan ama Dagaal waxay Israel sicad utaageeridoontaa dowlada Ethopia taas oo sababi doonta in dowladaha waa weyn ee reer Galbeedku ay iyagu marayaan halka ay marto dowlada Israel gar iyo gardaraba.
Khabiirka Mareykan ka ee siyaasada ka faalooda laguna maga caabo GREGORY R COPLEY Maqaal uu qorey bisha 10/06/13 http://oilprice.com/Geopolitics/Africa/Egypts-Instability-Triggers-a-New-Proxy-War-Against-Ethiopia-and-its-Allies.html oo waxbadan mawduucan ka faaloodey ayaa waxa uu sheegey isagoo soo xiganaya wararka ka soo fakadaey masuuliyiin sar sare oo kamida dowlada Masar inay u adeegsan doonaan dowladaha la jaarka ah Ethopia oo ay ka mid tahey Somaliland.
Hadaba maqaalkaygan waxaan aad ugu dheeraadey dowladaha waa wayn ee ku hirdamaaya wabiga Niilka iyo khatarta ay ku yeelan karto Jamuuriyada Somaliland loolankan siyaasadeed ee baaxada weynle ee mandaqadan ka bilaabmay.
Waxa is weydiinle sideebay Somaliland uga badbaadi kartaa duufaanada siyaasadeed ee inagu soo foodle? Yaa se ka dabaalnkara oo siyaasad isticmaali kara ? Mase heynaa?.
Waayo Xukuumadeena hada talada heysaa waxay la caqli iyo garaadba tahey Hadhimo shareefeed iyo casuumad iyo casho sharaf loo sameeyo oo kolba boqor meel heystaa ugacan haadiya oo yidhaa wadooyin ayaan idiin sameynayaa hore ba tii Imaaraadku wixii ay lahaayeen way balan qaadey miyaad heysaan iyo wadooyinkii ay sameyneysey .Sowtii 18 may Daamurkii ka soo amaahatey shacbigii jidka boqol iyo kontanka 150 intay caawinlahey ay iyadiiba amaah wixii ay jeebkooda ka gureen hungureysey ee wadada madaxtooyada ku dhistey maxaa horta loo wey diin waayey maye wadooyinkii ay dowlada Emaaraat ku balan qaadey inay dhisto .
Marka aynu dib ugu noqono taariikhda Geeska Africa arinkan Niilku mid hada bilaabmay maahee waa mid soo jireena oo sababay dagaalo hore uga dhacey iyo colaadii waligeed dhex yaaley Somaliyada iyo Ethopia oo dowladaa carabtu waligoodba ka shaqeyn jireen si ay u wiiqaan dowlada Ethopia taas oo sababtey balan balka ilaa hada Somaliya ka taagan ,ku darsoo Ethopia waxaa dagan 40 malyan oo muslin ah.
Dulacda maqaalkeenu wuxuu yahey Somaliland in lagu soo maqan yahey oo ay dowladii carbeed oo u ololeynaaya inaynu ka midnoqono Somaliland ama ku biirno kuwa taageeraaya dowlada Masar iyadoo leynoo adeegsan doono lacag iyo maal aynaan hore u arag waxaana ka waanka isa soo dhigey uguna soo horeysa dowlada Boqortooyada Sucuudi Areebiya oo uu casuumadii Hadhimo Sharafeedka aheyd ka heley Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Sidaasi darted khatarta Somaliland ku soo maqan iyo sida aaney xukuumadani uba ogeyn misna way u kasayaanoo umadey is leeyiin kada oo iyagaa kadabkoodii dhamaaday bal adba.
Shacbiga Somaliland waxaa maanta la gudboon inay ka foojignaadaan oo ay lasocdaan xukuumadan Siilaanyo iyo martiqaadka Sucuudigu u fidiyey oo ah halka ladoonaayo inay ku coloobaan ama ay iska qaniinaan dowlada Ethopia iyo Somaliland iyadoo ah dowladani tii heysey SNM iyo Qaxoontigeenii ahna dalka kaliya ee aynu dariska iyo saaxiibtinimada qadiimiga ah inaga dhaxeyso halka ay Carabtu qaarna Hubka iyo Diyaaradii lagu gu leynaayey ay lacagtooda soo bixineysey ma laba leysku doorsadaa !? .Waxaa shacbiga odhanlahaa xukuumada ina hogaamineysaa waa shaqsiyaad fara ku tirisa hadii leysku wada geeyo inagaa ka badan ee waa inaynu ilaa shanaa mustaqbalkeena arinkana la waydiiyaa Siilaanyo inataanu Dabinkaa qoorta inoo galin oo hadii ay goostaan inay Dowladu tagto laga sameeyo Mudaharaadyo aynu ku muujinayno in aaney Hadhimo Sharafeedka Boqortooyada Sucuudigu Madaxweyne Siilaanyo iyo Kooxdiisa ay ufidisey reer Somaliland ku raacsaney maa mulka talada haya oo aynu mustaqbalkeena iyo dalkeena eegnaa ilayn awalba waynu nooleyn oo Carabi waxba inama siin jirin 22 sano ayeynu soo nooleyn oo xataa waa kuwii adhigeena oon waxba qabin inaga iibsan waayey ee kuwii Kiiniya ee ay xanuunka ka heleen ina raac shey maalintaa maynaan muslin aheyn ? ma maalinta ay Carabi wax kaaga baahato ayaad Muslin noqotaa? Ku darsoo hadeynu reer Somaliland nahey Carabi waa kuwa kaa hortaagan horumarka iyo jiritaanka qadiyada Somaliland.
Guntii iyo gaba gabadii waxaa Xukuumada iyo madaxweyne Siilaanyaba la gudboon in aaney eegin Hadhimo Sharafeedka ay boqortooyada Sucuudigu ugu balan qaadey oo aaney hunguri la cararin kana diga rogtaan oo ay ka fiirsadaan arinkaa hadii kale waxaa halkaa ka soo socda arin khatar ku ah Somaliland iyo Mustaqbalkeeda.
Abwaan Hadraawi ayaa Gabeygiisii Gudgude murtidiisii ay ka mid aheyd
Kol haddaan wadnuhu kuu garrayn, geydha kugu yeedhye
Garasow anaa kula hadlee, gacalkayow heedhe
Nafta gororaheediyo haddii, galowda lays taabto
Geesteyda waafule ninkii, goob ka saahidaye
Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadaye
Guri ba’ayna waa cadow ninkii, raarta sii guraye
Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye.
DHAMAAD
GUUL ALLE