|

Nicholas Kay:Waxaan Rumeysanahay in Xafiiska UNSOM uu Faaiido badan u yeelan doono Somaliland

Nairobi June 16,2013(SDN)-Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobey Nicholas Kay ayaa si markii u horeysay ka jawaabay goaankii ay Somaliland dhawaan ku diiday in xafiiskiisu ka hawlgalo Somaliland.

Ergeygu waxa uu barta Twitterka uu ku leeyahay ku faafiyay fariin uu si taxadar leh u qoray.

“Somaliland waxa ay walaac ka muujisay xafiiska UNSOM,waxaase loo baahan yahay in xaalada la dejiyo,xafiiskeyga waa la heli doonaa caawimaadiisana waa la heli doonaa”ayuu yiri  Nicholas Kay.

Sidoo kale fariin uu ergeygu ku qoray bar uu ku leeyahay Facebook ayuu uga waramay diidmada Somaliland ku diiday in xafiisyada UNSOM laga furo Somaliland.

“Waa ay nuu muuqataa welwelka Somaliland ee ku wejahan xafiiska UNSOM,Waxaana rumeysan nahay in xafiiska UNSOM uu Faaiidooyin badan u yeelan doono Somaliland”ayuu yiri Mr Kay

ergeyga ayaa dhawaan booqday magaalada Hargeysa oo uu kala kulmay diidmo qayaxan oo ku wejahan in xafiiska UNSOM Hargeysa laga furo.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Nicholas Kay
Nicholas Kay

Comments are closed