Puntland oo Dawlada Soomaaliya la xiriirisay Al Shabaab
Garoowe June 16 2012(SDN)-Maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dawlada dhexe ee Soomaaliya madaxdeedu in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al Shabaab.
Madaxweyne ku-xigeenka maamul-goboleedka Puntland Cabdisamed Cali Shire ayaa eedeyntan ka jeediyay furitaankii kalfadhiga baarlamaanka Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in loo bahan yahay in la ogaado goorta ay dawladu xiriirka la yeelatay kooxda Al Shabaab,sababta oo ah buu yiri waxaanu ogeyn dawlada oo la dagaalanta Shabaabka.
Cabdisamad Cali Shire ayaa sheegay in dawladu ay ka weecatay ku dhaqanka Dastuurkii dalka isla markaan ay hubeyneyso Shabaabka Jubooyinka sida hadalka uu u yiri.
Maamul Goboleedka Puntland ayaa taageeray maamul dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo oo dawlada Soomalaiyan ay sheegtay in aaney aqoonsaneyn.
Dawlada Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin eedan ka soo yeedhay maamulka Puntland.
SND-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com