Mudane Abdirashiid Hassan Mataan musharaxa madaxweyne ku xigenka xisbiga ucid Waa Halyay ku dayasho mudan !
(KamapalaSDN) Maqaalkaygan oo aad u kooban waxaan kaga hadlayaa shakhsiyada Mudane Abdirishiid Hasan Mataan oo ah Musharaxa madaxwayne kuxigeenka Xisbiga UCID,
Waxaa jirtay maqaal uu qoray Mudane Abdirashiid Hassan 11/06/13 isaga oo la dardaarmaya fariina hawada u marinaya Dawlada, Prof Samatar iyo shacabka S/land.
Dardaarankii qiimaha badnaa ayay dadka qaarkii dhibsadeen iyaga oo hadalo aad u raqiis ah ugu soo jawaabay Mudane Abdirashiid Hassan Mataan, marka hore shakhsiyada Mudanaha meel ayay kaga dheceen waxaaban is idhi malaha Nin kale ayay la hadlayeen aqoona uma laha,
Prof ahmed I Samatar mudo ka dhow 20 sano ayuu wadanka ka maqnaa runtiina waa u baahan in wax loo sheego loona nasteexeeyo, hadaladiisa waxaa ka mid ahaa dadka ayaan soo waraysanayaa markaa haduu Abdirashiid Hassan uu dardaaran fiican siiyay maxaa ku jaban miyayna dad tol ah ahay oo wax isku sheegi kara.
Hadaan maqaalkaygan u soo daadago, Abdirashiid Hassan Mataan waxaan ka raali galinayaa fariimaha khaldan ee lagu dhaleecaynayo sharaftiisa iyo karaamadiisana lagu wax yeelayo.
-
Mudane Abdirashiid Hassan Mataan waxa uu ka soo jeedaa reer tixgalin iyo qadarin ku leh bulsho waynta AWDAL, SALAL, GABILAY & SOMALILAND
-
Waa mudane ku sifoobay qalbi furan daacadnimo, iyo hawlkarnimo
-
Waa mudanaha kaliya ee ku dayasho u ah adayda wax ka barata jaamacadaha UGANDA
-
Waxa uu caan ku yahay deeqsinimo, iyada oo ardayda reer AWDAL, SALAL & GABILAYBA uu ka war hayo wax walba oo ay uga baahdaana u fuliya iyo dhamaan ardayad reer somaliland dalka ugandha.
-
Kuma koobna reer AWDAL , SALAL IYO GABILAY waxa uu laf dhabar u yahay ardayda reer SOMALILAND ee wax ka barata jaamacadaha Uganda.
-
Ugu danbayn qofka waxaa lagu qiimeeyaa xidhiidhka uu ALLAH la leeyahay, mudane Abdirashiid waxaan odhan karaa waa shakhsi cibaadadiisa aad u badan tahay, waxaan xasuustaa ramadaantii 2012 waxa uu soo xaadiri jiray taraawiixda masjid ku yaala xaafada KASENYA ee KAMPALA habeen walba isaga oo 10kii u danbeeyayna nala tukanayay tahajudka, isaga oo soo kaxayn jiray wiil yar oo uu dhalay, marka salaada laga boxo wiilka yar ayaa kabaha u soo qaadi jiray Aabihii ilaa uu lugaha u galiyo, waa barbaarin fiican oo u baahan in lagu tarbiyadeeyo caruurta .
Waxaan maqaalkaygan ku soo koobayaa Mudane Abdirashiid Hassan Mataan ixtiraam & qadarin ayuu u hayaa prof samatar wax isku sheeguna ma xuma diinteena suuban ayaa ina faraysa, ilamana aha in uu jiro qof ka maarmay in loo nasteexeeyo,waxsata oo xuna sidaas buu timaama
aad iyo aad bana ugu mahad naqaaya shabakada SDBnews wariye khadar bitijoor oo aad usoo dhaweeya fkaarta kala duwan
Wabilhi tawfiiq
Abdurizak Mouse Ahmed
ugandha kampala