Kalfadhiyadii Baarlamaanka Puntland oo dib u bilaabmay
Garoowe June 15,2013(SDN)-Waxa xarunta Baarlamaanka ee Garoowe maanta dib uga furmay kalfadhiyadii caadiga ahaa ee Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya.
Kalfadhiga maanta oo uu goobjoog ku ahaa madaxwene ku-xigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shire ayaa khudbad uu halkaa ka jeediyay waxa uu uga waramay xaaladaha maamul goboleedka haatan ka jira.
Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu halkaa ka amaanay ciidamada amaanka Puntland oo uu sheegay in ay gacan ka geysteen sugida Amniga.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo isna halkaa hadal ka jeediyay aya ka warbixiyay wax qabadkii Baarlamaanka degaanada Puntland ee sanadii ina dhaaftay.
Lama shaacin ajendaha kalfadhiga Baarlamaanka maanta la furay iyo mudada uu socon doonaba.
SDN-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com