“Somaliland Waa Jasiirad Nabdoon oo Xasiloon,kuna Taala Gobol aan Xasiloonayn” Mr Nicholas Kay Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia
Hargaysa 13.June (SDN) Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr Nicholas Kay ayaa maanta yimid caasimadda Somaliland ee Hargaysa.
Ergayga cusub ee Qaramada midoobay waxa madaarka Egal International Airport ku soo dhoweeyey Wasiirka arimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee JSL Md Maxamed Cabdilaahi Cumar, iyagoo markii ay madaarka ka soo degeen ay si wada jir ah u booqdeen xabaalo-wadareedyada ku yaalla magaalada Hargaysa, kuwaasoo dhacay xiligii xasuuqii uu dalkan ka gaystay taliskii Siyaad Barre.
Ergayga Qaramada Midoobay Nicholas Kay ayaa markii uu Somaliland soo gaadhay waxa uu sheegay inay xilli hore tahay wakhtiga uu yimid Hargaysa taasoo uu ku sifeeyey mid uu ku muujinayo sida ay qaramada midoobay u taageerayso himilada nabadda iyo deganaanshaha.
Nicholas Kay waxa uu Tilmaamay in Somaliland ay Tahay jasiirad nabdoon oo ku dhex taalla gobol aan xasiloonayn, isagoo Yidhi “Somaliland waa jasiirad nabdoon oo ku dhex taalla gobol aan xasiloonayn, waxana aan rumaysnahay inay jiraan casharo laga baran karo halkan Somaliland kuwaasoo ku saabsan sidii nabadda gobolka loo dhisi lahaa, ujeedada aanu halkan u nimidna ay tahay inaanu taageerno, hindisayaal horseedaya nabad waarta” sidaa waxaa sheegay ergayga qaramada midoobay ee Somaliland iyo Somalia Mr Nicholas Kay.
Ergayga qaramada midoobay ee Somaliland iyo Somalia Mr Nicholas Kay Waxaa kale oo uu iftiimiyay dadaalka Somaliland ee Xoojinta Hay’adaha Dimuquraadiyada,Meel Marintooda inay Somaliland hirgalisay Doorashooyin soo noqnoqday,Waxaanu intaas raaciyay inay ka Go’an tahay inay Taageeraan Nidaamka Ku dhaqanka Sharciga.
Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somalia mar uu ka hadlayay Wada hadalada u Socda Somaliland iyo Somalia waxa uu Sheegay in UNSOM ay diyaar u tahay inay Taageerto gacana ka gaysato sii ambo qaadista wada xaajoodka labada dal,isagoo intaas ku daray in Xafiiskiisa ay ka Go’an tahay Wada Shaqayn Midho dhal ah inuu la yeesho Xukuumada Somaliland,Ururada bulshada rayidka ah Si loogu kuurgalo ayuu Yidhi Meelaha la iska kaashan karo.
Waa Markii U Horaysay ee Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia uu Socdaal ku Yimaado Somaliland isagoo bedelay Ambassador Augostiino Mahiiga.
Hargasya SDN.
Qurbejoog.com