|

Weerar lagu dilay 6 ruux oo ka dhacay Mandheera iyo Booliska Kenya oo ka hadlay weerarkaasi

Muqdisho 13 June (SDN)  Wararka ka imaanaya  magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi barri ee dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dil iyo dhaawac u gaysteen rakaab la socday gaari bas ah oo degaankaas marayay.

Saraakiisha amaanka gobolka waqooyi bari ee Kenya oo  faah faahin ka bixiyay  weerarka ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo rasaas oodda kaga qaadeen bus marayay meel ku dhow Magaalada Mandheera.Ugu yaraan 6 qof oo ay ku jiraan  labo Caruur ah ayaa ku dhimatay weerarkaas.

Wali lama oga sababta keentay in dableydaas hubeysan ay rasaaseeyaan baskaas. Waxaana goobta uu weerarka ka dhacay gaaray ciidamada amaanka dalka Kenya. Maamlihii la soo dhaafay ayaa degaankaas ka dhacayay dagaallo u dhaxeeyay beelo wada dega nawaaxiga goobta uu shilku ka dhacay.

Dadka geeriyooday waxaa ka mid ahaa arday isu jirta wiilal iyo gabdho kuwaas oo saarnaa Buska,  sida uu sheegay  taliyaha ciidanka Booliiska gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya Josef Tinaya oo la hadlay wakaalada wararka AFP.

Inkastoo dhacdadaani loo malaynayo inay ka dambeysay aano qabiil hadana waxaa kaloo laga shaki qabaa in kooxaha gaystay ay xiriir la leeyihiin Al Shabaab. Muqdisho (SDN)

Qurbejoog.com

Comments are closed