Agaasimaha Samafalka ee Wasaarada Dibu dejinta oo ka hadlay Dhakhaatiir hawl galo caafimaad ka wada Cisbitaalka Guud ee Hargaysa
Hargaysa 13.June (SDN) Agaasimaha samafalka ee wasaarada dib-u-dejinta JSLand Mud,Siciid Cabdi Gaboobe,ayaa sheegay in dhakhaatiirta sucuudiga ah ee Howsha samafalka Caafimaadka ka wada Isbitaalka Guud ee hargeysa,kuwaasi oo uu sheegay, in Mudadii ay dalka joogeen oo toban maal-mood ku siman Ay daaweyn iyo baadhis u sameeyeen dad tiradooda lagu qiyaasay ilaa laba kun iyo boqol qof.
Agaasimaha oo Shabakada Qurbejoog, waxa uu sheegay in dhakhaatiirtan oo dalka yimi bishan aynu ku jirno Kowdeedii ,adeega caafimaad ee ay bixinayaana uu yahay lacag la’aan,waxaanuu xusay inay howshooda soo gunaanadi doonaan bishan 13-keeda.Waxaanuu intaa raaciyey in agaasimuhu in masuuliyiinta wasaarada caafimaadka iyo isbitaalka Guud ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyeen dhakhaatiirtan.
Agaasimaha oo ka hadlayey cudurada ay daaweynayaan waxa uu sheegay in ay dhakhaatiirtan oo ka kooban shan dhakhtar wax ay wax ka qabanayaan xanuunada, Caruurta, Maqaarka, xanuunada Haweenka iyo Daaweynta Guud.
Agaasimaha Samafalka wasaarada dib-u-dejinta Siciid Cabdi Gaboobe, oo ka hadlayey dareenka ay dhakhaatiirtani ka qaateen dalka mudadii ay joogeen, waxa uu sheegay inay tahay markii ugu horaysay ee ay yimaadaan dalka,waxaanay ahaayeen ayuu yidhi kuwo markii hore shaki ku jiray oo u qabay in waxa dalkaa somaliya ka socdaa ay somaaliland-na ka socdaan, hase ahaatee Markii ay garoonka berbera ka soo degeen ee aanu halkaa ka soo qaadnay waxa dareenkoodii bedelay nidaamka shaqo ee ay Garoonka kala kulmeen, ka dib markii wasaarada caafimaadka yimaadeena Waxa ogaadeen in nidaam iyo maamul kala danbaystiisa lihi uu jiro.Waxaanay la kulmeen madaxweynaha JSLand Mud,Axmed Maxamed Maxamuud,aad ayaanay ugu mahad-naqeen dalkana ay ugu duceeyeen.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com