|

Toban Sanno Guurada Aasaaska Dalada Sonyo oo Hargaysa lagu qabtay

Hargaysa 06.June (SDN) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane, C/raxmaan Cabdillahi Ismaaciil –Saylici- ayaa ka qayb galay munaasibad loo sameeyey sanad guurada  tobnaad ee ka soo wareegtay Aasaaskii Daladda dhalinyarada Somaliland ee SONYO.

Kulankan  oo  ay ka soo qayb galeen wasiirada wasaaradaha,dhalinyarada iyo ciyaaraha,dib-u-dejinta, xanaanada xoolaha iyo masuuliyiin kale,ayaa hadal  uu halkaa ka jeediyey Gudoomiyaha daladda dhalinyarada ee SONYO Mubaarik ismaaciil Taani,waxa uu kagaga waramay marxaladihii kaladuwaa ee uu soo maray  ururka dhalinyarada Sonyo,waxyaabihii u qabsoomay iyo higsigooda mustaqbaklka.

Gudomiyuhu wuxuu ku dhaaraaday dhibaatada  ay Tahriibtu ku hayso da’yarta iyo sida ay lagama maar-maanka u tahay in wax looga qabto dhibaatadaas, waxaanuu xukuumada  u soo jeediyey,inay si dhakhso ah  ugu dhaqaaqdo  tallaabooyin wax lagaga qabanayo  tahriibka iyo hiyi kaca dhalinta.

Wasiirka dhalinyarada iyo xciyaaraha Mud, Cali Siciid Raygal, ayaa isna kulankaa ka sheegay,doorka ay dhalinyaradu ku leeyihiin dhismaha dalka,waxaanuu carrabka ku ad-keeyey,dhibaatada tahriibtu ay ku hayso mustaqbalka dhalin yarada iyo sida  loogu baahan yahay in layska kaashado  sidii loo xakamayn lahaa dhibaatadaas aafada ku noqotay dhalin yarada. Waxaanuu wasiirku halkaa ka ballan qaaday in  daladda dhalin yarada ee SONYO  ay xukuumaddu siin doonto dhul ay  xarun ka dhistaan.waxa kaleoo isna halkaa ka hadlay wasiirka wasaarada dib-u-dejinta Saleebaan Ciise Axmed, waxaanuu ka hadlay dhalinyarada  iyo dhibaatada tahriibtu ku hayso iyo sidii mustaqbalkooda looga shaqayn lahaa.

Munaasibadan oo ka dhacday Magaalada Hargeysa xalay waxa geba-gebadii  hadal ka  soo jeediyey Madaxweyne xigeenka Somaliland Mud,C/raxmaan C/llaahi ismaaciil,waxaanuu  ka hadlay qiimaha dhalinyaradu ay qaranka ku leeyihiin,waxaanuu tilmaamay  in mar kasta waajib tahay in laga shaqeeyo mustaqbalkooda iyo sidii loogu diyaarin lahaa  inay  dalkooda  ku negaadaan oo ay baaqsadaan tahriibka,isla markaanalaysaga kaashan lahaa in  laga hawl-galo sidii wax looga qaban lahaa  hiyi-kaca  tahriibku ku keenay dhalinta.

Waxaanuu  Ururka dhalinyarada  SONYO uu halkaa ku Gudoon-siiyeen M/weyne ku-xigeenka iyo xubno ka mid ah Ururka shahaada sharafyo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed