Xarun Soomaalidu ku leheyd London oo Dab la qabadsiiyay
London June 06,2013(SDN)-Ciidamada la dagaalanka argagixisada ee dalka Britain ayaa baaraya dab la qabadsiiyay Xarun Soomaalidu ku leheyd magaalada London.
Ciidamada ayaa baaritaanada bilaabay ka dib kolkii lagu arkay xarunta astaanta EDL oo ay leeyihiin koox xagjiriin Cadaan ah oo dalkaa ku nool.
Ciidamada Dabdamiska iyo kuwa Booliska ayaa looga yeeray xarunta ka dib kolkii dabku isqabsaday dhismihii xaruntu ku tiilay.
Xaruntan Soomaalida London ay adeegyada Bulsho u doonan jirtay ayaa sidoo kale waxa ku yiilay Masaajid.
Waxaana la aaminsan yahay in kooxaha Xagjiriinta ahi ay Masaajidka Bartilmaansanayeen.
Kooxdan EDL ayaa dhawaanahan waday olole ay ku bartilmaansaneyaan Muslimiinta iyo Masaajidooda ku yaal Engriiska.
Kooxahan ayaa xoogeystay ka dib kolkii rag muslimiin ahi ay wado ku taal London ku dileen nin ka mid ahaa ciidamada dalka Britain.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com