|

Shaqaalaha Somaliland oo Beri la fasaxay Xuska Dheelminta Ras’uulkeenii Suubanaa NNKH

Hargaysa 05.June (SDN) Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md.Nuux Sh. Muuse Ducaale ayaa  Hambalyo iyo Bogaadin u diray shaqaale -weynaha Dawladda iyo qoysaskooda   munaasabadda xuska  Dheelmintii Rasuulka (N. N.K.H) Awgeed oo ku beegan  caawa.

Gudoomiyaha Haya’da shaqaalaha  Dawladu  war saxaafadeed uu soo saaray maanta oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay  Shabakada Qurbejoog.com ayaa waxa uuu ku wargeliyay shaqaalaha Dawlada in ay shaqada fasax ka yihiin maalinta Berri ah  ee lixda Bishan JUUN oo waafaqsan 27ka Bisha Rajab ee Hijriyadda  oo ah xuska ha beenkii laylatul micraajka ee nabigeena suuban( N.N.K.H) la dheelmiyay.

Gudoomiyaha  Hay’ada Shaqaalaha Dawladda Md. Nuux SH.Muuse Ducaale waxa uu u rajeeyay shaqaala waynaha dawladda in  xuskan dheelminta Rasuulka (N.N.K.H ) xuskiisa ay ku gaadhaan  caafimaad iyo badhaadhe.

Sidoo kale Qoraal kan la  mid ah oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Wasaarada Shaqada C.qaadir Daa’uud Cige ayaa Xuska Dheelminta Ras’uulkeenii Suubanaa ee Muxamed NNKH waxa uu  bogaadin u diray dhamaanba Shaqaale Weynaha Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed