|

Kulan lagu Gorfaynayay Dardar gelinta Hawlaha Dawladaha Hoose oo Hargaysa lagu qabtay

Hargaysa 05.June (SDN) Wasiir ku xigeenka  maamulka Wasaaradda Arimaha Gudaha  Mud, Cismaan Garaad soofi ayaa maanta kulan howled lagaga hadlayo  Hirgelinta Siyaasadda  Ansixinta iyo Kabka Dawladaha Hoose  ee degmooyinka  loo isticmaalo mashaariic horumarineed iyo dardargelinta Hawlaha dawladda Hoose  ka furay Huteel maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Kulan-howleedkan oo ay ka soo qayb galeen Xisaabiyaha Guud ee Qaran,Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda maaliyadda iyo  Maayirada Dawladaha Hooase ee Goboladda  M/Jeex,Saaxil,Gabilay, T./dheer, Sool  iyo Sanaag, hadal uu furitaanka kulanka ka soo jeediyey wasiir-ku xigeenka maamulka Wasaarada Arimaha Gudaha Mud, Cismaan Garaad Soofe,Waxa uu sheegay in kulankan ujeedada loo qabtay ay tahay in  La gorfeeyo  Siyaasada madaxweynaha JSLand uu soo jeediyey  oo  ah, in kabka Dawladaha Hoose  lagu  kharashgareeyo mashaariicda horumarinta degmooyinka iyo in aynu wax is-weydiino sida loo dar-dar gelin karo howlaha  shaqo ee dawladaha Hoose.

Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Mud, Maxamed cabdi Bede, oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu sheegay,in ujeedada ugu weybn ee kulankan aynu ku falan qayn doono labada cisho ee uu socdaa ay tahay sidii looga  wada hadli lahaa  sidii  ay isula jaan-qaadi lahaayeen cashuuraha dawladaha  hoose  qaadaan, gaar ahaan degmooyinka   derajada kowaad  ah, ee loo dar-dar gelin lahaa  howlaha  dhinaca cashuuraha  ee dawladaha hoose.isaga oo xusay in qodobka labaad ee ay ka wada hadli doonaan uu noqon doono  hirgelinta siyaasaddii madaxweynaha  ee ku aadanayd  in kabka dawladda dhexe ay siiso dawladaha  hoose  wax lagaga qabto dhinaca  mashaariicda horuumarinta.

 

Agaasimaha Guud ee wasaaradda  Arimaha Gudaha C/Samad Cumar Maal, oo isna kulankaa ka hadlay, ayaa  waxa uu sheegay,in kulan-kan  ay ka qayb tahay sidii  wax looga tari klahaa dawladdaha hoose dhinacyada  farsammada, aqoonta  iyo sharciyeed ee ay uga baahan yihiin wasaaradaha maaliyadda iyo Arimaha Gudaha  u xilsaaran yihiin inay ka dhisaan Dawladaha hoose.waxaanuu xusay in ay  lagama maarmaan tahay in la kor loo qaado dakhli ururinta iyo cashuuraha si loo helo dakhligii ay wax ku fulin lahaayeen. Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Maaliyadda oo ka waramay ujeedada  kulankan  loo qabtay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed