Wafdigii ka socday Wasaarada Gashandhiga Masar oo la kulay xubno ka socda wasaarada gashandhiga Soomaaliya
Muqdisho June 5, 2013 (SDN)— Wafdi ka socday wasaarada gaashandhiga dowlada Masar oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa maanta la kulmay xubno ka tirsan wasaarada gaashandhiga Soomaaliya.
Wafdiga ka socda wasaarada Gashandiga Masar oo Janaraalo ah ayaa waxa ay kulan la qaateen xubno uu ku jiray wasiir ku-xigeenka wasaarada gaashandhiga Axmed Maxamuud Maxamed.
Wasiir ku-xigeenka oo saxaafada la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in kulanka looga hadlay sidii ay dowladda Masar uga gacan geysan laheyd Soomaaliya dib u dhiska ciidanka iyo arrimihii ay lahaayeen.
Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya Ayman Magdi oo la hadlay Warfidiyeenka ayaa sheegay in ujeedka Janaraalada Muqdisho yimid ay tahahay sidii ay uga gacan geysan lahaayeen dib u dhiska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Wafdigan ka socda wasaarada gaashandhiga Masar ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana la filayaaa in ay kormeeraan xarumaha Ciidamada dowladda ee Magaalada Muqdisho.
SDN-Muqdisho