|

Agaasimihii Wasaarara Amniga ee Maamulka Puntlandi oo maata Iscasilay

Galkacyo June 05, 2013 (SDN)— Gaani Cali Yuusuf oo ahaa Agaasimhii Wasaarada Amniga Maamulka Punland ayaa manta ku dhawaaqay in uu xilkiisii iska casilay kaddib markii uu shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ma uusan sheegin sabab rasmi ah oo uu xilkaasi uga tagay marka laga soo tago sababo uu ku sheegay arimo isaga gaar u ah.

Agaasimihii hore ee Wasaarada amniga ee maamulka Puntland ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin cid uu wax ka tirsanayo dhamaan shaqaalaha Wasaarada iyo madaxdana aysan jirin cid ay gaar isugu dhaceyn.

Muddo labo sano ayuu hayay xilka Agaasimaha Wasaarada arimaha amniga ee maamulka Puntland iyadoo ugu dambeyn maanta uu ku dhawaaqay inuu iscasilay.

Masuuliyiinta Wasaarada amniga ee maamulka Puntland ilaa iyo iminka kama aysan hadlin sababta keentay inuu iscasilo agaasimihii Wasaarada arimaha amniga ee maamulka Puntland.

SDN-Galkacyo

Comments are closed